Hargeysa(Hubaal)-Waxa galabta lagu wadday inuu Maddaarka Cigaal International Airport ee Magaaladda Hargeysa uu ka dhoofo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo sida la sheegay u baaqday khilaaf ka jira qaabka loo soo xulayo Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo uu tabasho ka qabo.
Warkan oo aanu ka so xiganay Ramaasnews oo iyadu daabacday waxa uu intaa ku daray in Madaxweyne ku xigeenku uu ku wargeliyay Wafti uu hoggaamin lahaa oo safar ugu kicitimi lahaa Dalka Maraykanka oo Jaaliyadda Somaliland ee dalkaasi ku dhaqan ay kala qayb-gali lahaayeen Munaasibadda 18 May inuu ka baaq-day Safarkaasi.
Dhinaca kale Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xiris Cali X. Xasan oo ka mid ah Waftiga Madaxweyne ku xigeenka ku wehelin-lahaa Safarkaasi ayaa ka dhoofay Madaarka, kaas oo ka gaabsadday inuu Warbaahinta siiyo faah-faahin ku saabsan safar uu ku tagayo Maraykanka.
Arrintan ayaa waxay dibadda u soo-saari kartaa tabasho uu Madaxweyne ku xigeenku ka tirsanayo nidaamka loo xulayo Xubnaha Golaha dhexe, iyadda oo hore ay u jirtay khilaaf ka duwan kan maanta dibada u soo baxay oo dhex-maray Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xubno kale oo awoodo ku leh Xukuumadda.