HUBAAL KA AKHRI: Soomaaliya Oo Looga Dabaaldagay Gooni Isku Taagga Somaliland

0
51

Caabudwaaq, Soomaaliya, May 20,2014 (Hubaal)- Magaaladda Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud ee Soomaaliya, ayaa markii ugu horeysay looga dabaaldegay gooni isku taagga Somaliland, isla markaana shacabka Somaliland ugu hambalyeeyey 23 guuradda ka soo wareegtay madax banaanidoodda.
Dadweyne faro badan ayaa magaaladda dhexdeedda gaadiid ay ku xardheen calamo Somaliland ah ku wareegay, islamarkaana iskugu yimid goob loogu tallogalay in ay u dabaaldegaan.
Dadweynahan ayaa sheegay inay ka soo jeedaan Somaliland, isla markaana taageersan yihiin madax banaanidda Somaliland iyo gooni isku taagga Somaliland. “waxaan halkan ka salaamayaa walaalahayaga Somalilnad meel kasta oo ay joogaan waxaana leeyahay noqdo kuwii la ictiraafo ee noqda qaran madax banaan”ayey tidho hooyo ka mid ah dadkii isku soo baxay.
“Hadii aanu nahay shacabweynaha ku dhaqan Caabudwaaq ee reer Somaliland waxaanu la ciidayna walaalahayaga, waxaana u dabaaldegayaa 23 guuraddii ka soo wareegtay qaranimadda Somaliland”ayuu yidhi wiil ka hadlayey munaasibadda.
Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeysay ee magaalo ka tirsan Soomaaliya meel fagaare ah loogu dabaaldego gooni isku taagga Somaliland, talaabooyinkan waxay tilmaamayan rajo laga qabo inay shacabka Soomaaliya ku taageeraan qadiyadoodda.

soomaaliya oo laga taageeray Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here