HUBAAL KA AKHRI: Tababarihii Watay Xulka Ruushka Fabio Capello Oo Baarlamaanka Ruushku Su’aalo Ka Weydiinayo Guul-darradii Ay Kooxdu Kaga Soo Hadhay Koobka Adduunka

0
60

Moscow (Hubaal) Tababaraha xulka qaranka Russia, Fabio Capello ayaa lagu eedeeyey inuu yahay tuug khiyaameeyey wadanka Russia kadib markii uu wadankaasi awoodi waayey inuu ciyaaro fiican ku soo bandhigo koobka adduunka.

Xildhibaan Vladimir Zhirinovsky oo ah siyaasi saamayn badan ku leh dalkaas ayaa ku sifeeyey Capello khaayin, waxaanu dalbaday in uu horyimaaddo baarlamaanka dalkaas si su’aalo looga weydiiyo sababta uu wadankaasi ugu hadhay heerka koowaad ee koobka adduunka. Waxa kale oo uu xildhibaanku doonayaa in tababaraha la tuso sida looga cadhooday bandhig-ciyaareedka wadankaas ee koobkii adduunka.

fabio capelo

“Waxa aanu doonaynaa in aannu eegno shaqadiisa, kadibna weydiisano in uu iscasilo” sidaa waxa yidhi Xildhibaan Vladimir Zhirinovsky, sida ay baahiyeen warbaahinta dalka Russia.

“Waa nin cir weyn, haddana uma shaqaysanayo. Way fiican tahay in la helo malaayiin adiga oo aan wax shaqo ah qabanaynin. Kooxdu way guul daraysatay, haddana taasi wax saamayn ah kuma laha mushaharkiisa. Waa tuug.”

“Xataa sida uu u eegyahay waa si kale, waxa aad moodaa macallin iskuul” ayuu yidhi Xildhibaan Vladimir Zhirinovsky.

Xildhibaanka kale ee Oleg Pakholov, ayaa sheegay in Capello shaqada uu qabanayay ay ahayd kaliya inuu mushaharkiisa ilaashado, waxaanu ku eedeeyay in uu sii ogaa in aanu xulkiisu wax natiijo fiican ah ka keeni doonin koobka adduunka, waxaanu yidhi “Waxay ila tahay Capello wuu sii garanayay in aanay kooxdayadu waxba ka keeni doonin, laakiin wuxuu si sahlan u qorshaysay jid wanaagsan oo uu lacag ku heli karo, wuxuu sii urursanayay lacagtii hawlgabkiisa”.

Mr. Oleg Pakholov wuxuu ka dalbaday Capello in uu soo celiyo kala badh lacagtii la siiyey, kadibna uu shaqada isaga tago.

Igor Ananskikh oo ah madaxa komishanka ciyaaraha, ayaa waxa uu sheegay in bisha October loo yeedhi doono Capello oo uu la weydiin doono su’aalo badan oo ku saabsan qaabka farsamo ee kubadda iyo hannaankii uu u ciyaaray, laakiinse wuxuu tibaaxay in uu sii garanayo jawaabta uu Capello bixin doono oo noqon doonta in xulka Russia uu aad u yaryar yahay.

“Bal eeg qarada (Jidhka) ee Korean-ka, xataa way naga waaweyn yihiin! Kama hadlayo Germany iyo Brazil oo aad nooga sii waaweyn. Waxa taa ka sii daran, xataa ciyaartooyada Capello si fiican aad uguma ay ordi karaynin” ayuu yidhi Igor Ananskikh.

Arrintan ayaa noqonaysa mid ugub ah oo ku cusub dadka, maadaama tababarihii xulka qaranka Russia u kexeeyey koobka adduunka lagu eedeeyey tuug khaayin ah oo sii ogaa in aanu waxba ka keeni doonin koobka adduunka, isla markaana ku ilaashanayay mushaharka badan ee uu qaato oo kaliya.

Lama garanayo jawaabta uu tababare Capello ka bixin doono dhacdadan cajiibka ah, waxase la eegi doonaa sida ay wax u dhacaan oo iyaduna xiisaheeda yeelan doonta.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here