Hargeysa (Hubaal)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xadhiga ka jaray dhisme cusub, kana kooban laba dabaq oo loogu talogalay inuu xarrun u noqdo Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland.
Xaflad ballaadhan oo lagu barxadda hore ee dhismahan oo laga hirgaliyey duleedka galbeed ee Madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay madaxweyne Siilaanyo, wasiirro xukuumada ka tirsan shirguddoonka baarlamaanka, xildhibaanno iyo martisharaf kale oo lagu munaasibadda lagu casuumay.
Xarrunta cusub ee Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka, waxa ku baxday lacag dhan $280 kun oo dollar oo dawladda Somaliland ku deeqday, iyadoo xarruntaasi tahay mid si qurux badan loo qalabeeyey, wajahada hore ee dhismahaasina yahay mid wada quraarad ah, aadna u bilicsan.
Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo furitaankii xaruntaas hadal ka jeediyey, ayaa madaxweyne Siilaanyo u sharaxay marxaladaha kala duwan ee dhismaha xarrunta wasaaraddu soo maray, isagoo xusay in xukuumaddu bixisay kharashka ku baxay dhismaha Wasaaradda Duulista, isla markaana lacagtii lagu iibiyey xarruntii hore ee wasaaradda lagu daray miisaaniyadda dawladda. “Madaxweyne, dhismaha Wasaaradan waxa uu beddelay dhismihii hore ee afarta qol ka koobnaa, waxa dhismaha cusub uu ka kooban yahay laba iyo labaatan xafiis oo laba hoolal waaweyn oo kuwa shirarka ah, dhismahani wuxuu dabooli doonaa dhamana baahiya xafiis ee aannu u qabnay, waxaanna Madaarka loogu soo dhaweeyey, bahda Duulimaadyada madaniga ahi kama maarnaan Madaarada, Wasaaradani waa mid farsamo madaxweyne, waxaannau ku xaqiijinay ballanqaadkaagii iyo dardaarankaagii,” ayuu yidhi Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, isagoo intaas ku daray; “Wasaaradani wax ku baxday lacag dhan $280,000 doollar (laba boqol iyo siddeetan kun oo dollar), waxa ay ka mid tahay waxqabadka iyo dhaxalka aad ummaddan uga tagayso, waxay ka mid tahay wasaaraddo dhawr iyo toban gaadhaya oo aynu xaqiijinay dhismahooda.” Wasiirka Duulista, ayaa sheegay tilmaamay in xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ay ka dhabeyso waxyaabaha ay ballanqaadka, isaga oo xisbiyada mucaaridka iyo dadka dhalliilaha xukuumada ku eedeeyey in aanay jeclayn horumarka iyo waxqabadka dawladdu ku tallaabsatay, waxaannu yidhi; “Mucaaradku markii xukuumaddu ay dhismayaaashan bilaabaysay waxay odhan jireen, dhagaxyada la dhigayaa waa been, markii ay arkeen in aanay been ahayn oo ay yihiin wax sida cadceedda oo kale aan la qarin karinna, waxay yidhaahdeen daaro iyo waddooyin looma baahna oo dadka bakhtiyaya.”
Md. Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu su’aal galiyey waxa mucaaradku u yaqaanaan waxqabadka, waxaannu yidhi; “Haddii aanay daaro iyo waddooyin waxqabad ahayn waxaynu is waydiinaynaa waxa waxqabadka ah, xukuumaddani waxay ballanqaadana way fulisaa, waxa dadkana way dhowrtaa, haddii xukuumadu tuug tahay waxaasi ma dhismeen, meeshanina waa kiishkii yaraa ee rag badani yaqiinay.”
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii uu xadhiga ka jaray xarrunta cusub ee Wasaaradda Duulista, waxa uu kormeeray dhismaha, isagoo xafiis walba galay, isagoo warbixino kala duwan ka dhegaystay shaqaalaha iyo hawlwadeennada Wasaaradda.
“Madaxwayne, xafiiskani wuxuu ka shaqeeyay inaan Wasaaradda iyo dadweynaha loo kala sheekayn oo toddobaad walba ilaa 100 qof oo madaarrada dalka ka dhoofa ayaanu waydiinaa waxay shaqadayada ku kordhinayaan ee tallo ah ama ay ku dhaliilayaan.” Sidaa waxa Madaxwaynaha u sheegay Afhayeenka Wasaaradda Duulista Mr. Saddaam Maxamed Axmed oo ka warbixiyey hawlaha shaqo ee xafiiskiisu u qaabilsan yahay wasaaradda.
Waxa kale oo madaxweyne Siilaanyo xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed oo Wasaaradda Duulistu ka horgalisay Madaarka Hargeysa, kuwaasoo oo ay ku jiraan mashaariic casriya, sida qalab lagu rakibay albaabka laga galo Madaarka oo gaadhigu ku dhaafayo kaadh, una shaqeeya sida kuwa adduunka horumarka gaadhay, waxa kaloo uu furay madaxweynuhu goobo kala duwan oo loogu talogalay inay fadhiistaan dadweynaha Madaarka booqda ama sugaya dad ka soo degaya, goobahaasoo laga hiragliyey barxadda dambe ee Madaarka Hargeysa, laguna beeray dhir iyo ubax faro badan.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa sidoo kalena furay dib-u-dhis iyo ballaadhin lagu sameeyey Terminalka soo degayaasha iyo goobta la dhigo shandaha dadka soo dega, waxaanna Madaxweynuhu uu sidoo kale uu furay ballaadhin iyo kordhin lagu samaayey adeega kamaradaha ammaanka ee CCTV-ga oo lagu kordhiyey qalab cusub.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kalena waxa uu furay qurxin lagu sameeyey Wajadaha hore ee VIP-da Madaxweynaha iyo VIP-da dadweynah, halka uu sidoo kalena kormeeray qalab cusub oo casri ah oo shirkadda NASHA ee madaarka u qaabilsan arrimaha adeegu ay soo kordhisay.
Intaasi ka dib, ayaa waxa Madaxwaynaha Somaliland oo ay wehelinayaan Wasiirrada xukuumadda qaarkood waxay soo kormeereen wejiga labaad ee dhismaha dhabbaha diyaaraduhu ka haadaan ama ka soo deggaan ee loo yaqaan Runway-ga oo hadda meel fiican maraya, isagoo madaxweyne Siilaanyo warbixin ka dhageystay mid ka mid ah Injineerada ajaanibka ah ee gacanta ku haya dhismaha dhabbahaasi, kaasi oo u faahfaahiyey sida ay hawshu u socoto.
AKHRI: Madaxweynaha Somaliland Oo La Weydiiyey Su’aal Nuxurkeedu Yahay In Afartii Sanno Ee Uu Xilka Hayay Hoggaamiye Keli-talis Ah U Xuub-siibtay