HUBAAL Ka Akhri: Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadaha Is-gaadhsiinta Oo Hir-geliyey Adeeg Fudaydinaya In Dallada SAHAN Ay Talooyin Siiso Dadka La Nool Feyraska HIV

0
46

Dalladda SAHAN oo Daah-furtay Adeeg Is-gaadhsiineed oo Loogu Tallogalay Dadka la Nool HIV/AIDS

Hargeysa (Hubaal)- Dalladda ka hor-tagga iyo xakamaynta xanuunka HIV/AIDS ee SAHAN, ayaa markii u horraysay daah-furay adeeg is-gaadhsiineed oo loogu tallogalay dadka la nool fayraska HIV ee dhaliya cudurka AIDS, iyadoo adeegaasi sahli doono in dadkaasi la xidhiidhaan Xarunta Sahan si loogu nasteexeeyo, talona looga siiyo xaaladooda caafimaad.

Xaflad adeegan lagu daah-furay oo ka dhacday Hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta, waxa ka qaybgalay Wasiir-ku-xigeennada Wasaaradaha Caafimaadka, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal-insaanka Qaranka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimaha SOLNAC iyo masuuliyiinta dallada SAHAN.

Saraakiisha dalladda SAHAN oo halkaas hadalo ka jeediyey, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada loo aasaasay adeega dhinaca is-gaadhsiinta, kuwaasoo xusay in barnaamijkan yahay mid loogu tallogalay in talobixin lagu siiyo dadka la nool xannuun dhaliyaha HIV iyo guud ahaanba dadka u baahan warbixin caafimaadkooda la xidhiidha.

“Barnaamijkani wuxuu isugu jiraa laba nooc, ta koowaad waa talo-bixin la siinayo bulshada haddii uu ka cabanayo HIV/AIDS iyo haddii uu ka cabanayo Gudniinka fircooniga ah, muhiimaduna waa in qofku xog sugan ka helo arrimaha caafimaadka, wuxuunna wax weyn ka tari doonaa wacyigelinta iyo warbixinaha caafimaad ee dadku u baahan yahay.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Dalladda SAHAN Mr. Anwar Cabdiraxmaan Warsame.

Waxa kaloo uu sheegay in adeegan ka kooban yahay 16 layn oo loogu tallogalay inay xaruntooda galaan iyo 8 layn oo ka bixi doona, kuwaasoo dadku kula xiidhiidhi karaan xarunta SAHAN si ay u weydiiyaan xog-caafimaad oo ay baahan yihiin, isagoo xusay in adeegaas ay ka shaqayn doonaan 8 qof oo ka hawlgala Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kuwaasoo shaqayn doona 8 subaxnimo ilaa 6-da fiidnimo maalinkasta.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Agaasimaha Komishanka Heer Qaran ee la-dagaalanka HIV/AIDS Mr. Cabdi Cali oo soo dhaweeyey adeegan, isagoo si weyn ugu nahadceliyey Dalladda SAHAN iyo Shirkadaha Is-gaadhsiinta ee ka qayb qaatay hirgalinta adeegan.

Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal-insaanka Somaliland Marwo Fadxiya Xaaji Xuseen Jaahur, ayaa ugu baaqday Wasaaradda Caafimaadka inay inlaaliso xuquuqda dadka la nool xannuun dhaliyaha HIV, marka ay goobaha caafimaadka booqdaana aan bulashada fartan loogu fiiqin, sirna ay u ahaato adeegayaasha caafimaadka iyo qofka qaba xannuunka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Cilmi Aadan (Ilka Case), ayaa ka waramay muhiimada wacyigelinta iyo talo-bixinta caafimaadku u leeyihiin bulshada, gaar ahaan dadka la nool xannuun-dhaliyaha HIV, isagoo ballanqaaday in Wasaaradda Warfaafintu door weyn ka qaadan doonto wacyigalinta caafimaadka bulshada, waxaannu soo dhaweeyey adeega cusub ee SAHAN u soo kordhisay bulshada.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradaha Caafimaadka iyo Shaqada & Arrimaha Bulshada, kuwaasoo soo dhaweeyey adeega dhinaca is-gaadhsiinta ah ee loogu tallogalay dadka qaba HIV/AIDS, iyagoo xusay in tallaabadaasi tahay mid muhiim ah oo door ka qaadanaysa daryeelka qof kasta oo la nool HIV.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here