HUBAAL Ka AKhri: Xuquuqal Insaanka Somaliland Oo Ka Dhiidhiyey Cidhib-xumada Qoddob Dhagaraysan Oo Uu Huwan Yahay Xeer Hor-yaalla Baarlamaanka JSL

0
46

HUBAAL Ka AKhri: Xuquuqal Insaanka Somaliland Oo Ka Dhiidhiyey Cidhib-xumada Qoddob Dhagaraysan Oo  Uu Huwan Yahay Xeer   Hor-yaalla  Baarlamaanka JSL

somaliland human rights

Hargeysa (Hubaal)- Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland Ee Loo Soo gaabiyey HRC ayaa War-saxaafadeed ay maanta soo saareen si adag uga digay qoddobo ka mid ah xeerka ka hor-tagga iyo la dagaalanka Argagaxisada oo xukuumaddu dhawaan u gudbisay Golaha Wakiillada Si ay u ansixiyaan.

 

Xeerkan oo koobsanaya qoddobo lid ku ah qarannimada, xorriyada noolaanshaha, xeerarka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka  iyo guud ahaanba dastuurka Somaliland waxa  ay xarunta xuquuqal insaanku farta ku fiiqday 11 qoddob oo ku jira xeerka kuwaas oo xad gudub  ku ah dhaqdhaqaaqa muwaadinka isla markaana garab siinaya  gal dacwadeedyada dhinaca ka raran ee garsoorku kiiska uga dhigi karo muwaadinka eedaysan.

War-saxaafadeedka HRC oo dhamaystirani waxa uu u dhignaa sidan:

Dawladda Somaliland waxay Baarlamaanka u gudbisay xeerka ka hortagga iyo la dagaalanka argagixisada oo ah xeer ku xadgudbaya xuquuqda aadanaha

Golaha Wasiirrada ee Somaliland waxay u gudbiyeen Golaha Wakiillada Xeerka ka Hortagga iyo La-dagaalanka Argagixisada. Xeerkan cusubi wuxuu ku yahay xad-gudub dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka. Wuxuu jebinayaa xoriyaadka iyo xuquuqaadka aasaasiga ah oo ay ku jiraan xorriyadda ra’yi dhiibashada, xoriyadda is-gaadhsiinta, xoriyadda bannaan-baxa, dacwad qaadis xaq ah iyo xaqa is-difaaca, xoriyadda dhaqdhaqaaqa iyo xoriyadda is-abaabulka.

 

Xeerkan qabyada ahi wuxuu u qeexayaa argagixisonimada si ballaadhan oo daba furan. Qeexidda aragagixisonimo ee ku jirta xeerkan waxay keenaysaa cadibaad iyo in lagu dabbaqo ficillo ballaadhan oo aad u kala duwan.

 

Xarunta Xuquuqal Insaanku arimaha badan ee ay ka welwelsan tahay ee ku jira xeerka waxa ka mid ah:

  1. Wuxuu abuurayaa in dacwadaha loo dhegaysto si qarsoodi ah iyada oo aanay ka soo qayb-galin cidda la eedaynayo iyo cid metelaysa tooni
  2. Wuxuu siinayaa dawladda awoodo badan oo ay ku mamnuucdo mu’asasaadka
  3. Wuxuu ogolanayaa in la dhexgalo oo la dhegaysto is-gaadhsiinta dadka sida telefoonada, boostada IWM kadibna loo adeegsado cadayn ahaan
  4. Wuxuu awood baaxad leh u siinayaa Booliiska inuu dadka xidho isaga oo aan wadan amar qabasho
  5. Wuxuu ogolaanayaa in la qabto oo lala wareego hantida dadka iyada oo aan loo marin hanaan sharci
  6. Wuxuu abuurayaa hab dacwadeed siinaya booliiska iyo xeer-ilaalinta awoodo fara badan islamarkaana wuxuu xadidayaa xaqa dastuurku damaanad qaaday ee dadku u leeyihiin inay iska difaacaan maxkamada horteeda
  7. Xeerku waa mid madmadow badan oo aan cadayn
  8. Ciqaabaha ku jiraa waa kuwo naxariista ka fog oo aan u dhigmin ficilada dadka lagu ciqaabayo
  9. Wuxuu ogolaanayaa in la diido diiwaangelinta ururada samafalka ah iyo in lagala noqdo diiwaangelinta ururada samafalk ah
  10. Wuxuu ku yeelan doonaa saamayn xun xawilaadda lacagaha
  11. Waxa ku jira dembiyo ay maamulayaan xeerar kale sida dembiyada la xidhiidha duulista madaniga ah kuwaas oo ku jira xeerka duulista madaniga ah oo isna horyaal Golaha Wakiilada

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysa:

  • Golaha Wakiiladu inuu diido Xeerka ka Hortagga iyo La-dagaalanka Argagixisada
  • Dawladdu inay dib ula noqoto xeerkan ku xadgudbaya xuquuqda aadanaha
  • In xeer kasta oo loogu talo galay in lagula dagaalamo argagixisada uu noqdo mid waafaqsan dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka

 

Mowlid Farah Mouse

Agaasimaha Fulinta

Human Rights Centre

Hargeisa Somaliland

www.hrcsomaliland.org

E: mail: rafiiq_797@hotmail.com

Mobile: +252 (0)63 440 1990

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here