Abwaan Xasan Dhuxul Laab-saalax Oo ku Boggaadiyay Arooska Hodan Abdiraxmaan iyo Maxamed Alto- Maanso Duco iyo Dardaaran Iskugu Jirta
Dookhii Ma Meel Maray
Deeq weeye Calafkuye
Maysku Daray Lamaanaha
Isku Xiga Dadoo Idil
Nasiibkii Ma Soo Diray
Darajooyinkiisii
Jacaylkii Dawayn jiray
Labadii is Doortaba
Nuurkii Ma Daartoo
Dadab Xeeran Caawaba
Ma dageen Lamaanaha
Muxibada Dugaashaday
Xidiguhu Damaashaad
Suugaanta Darayga ah
Darandoori Heesaha
Dhankoodii Durbaanada
Ma Tumeen Daraadood
Dhaqan Waa Dulqaadkiyo
Hadal Dabacsanaantee
Intay Noloshu Darajiyo
Deeqiyo Lib Leedahay
Intay Dhaqasho Dooriyo
Dugsi Iyo Rug Leedahay
Intay Raaca Damaciyo
Farxadiyo Dux Leedahay
Waligiin Daryeel Dhaba
Waligiin Dulqaad Mida
Ku Daweeya Noloshoo
U sii Daaya Laabaha
Caashaqu Ha Dararee
– – Halka Lagu Daweebee
Daahir Lagu Ahaadiyo
Halka Lagu Dagaa Garo
Dugsi iyo Rug weeyaan
– – Halka Daal Ku Taadiyo
Dalanbaabi iyo Habaw
Diifta Lagu ILaawaa
Darmo Wehele Weeyaan
– – Halka Nolol Dugsoonliyo
Daryeel Laga Hela
waa Gaari Dumar Agteediyo
Miday Ruuxdu Doontoo
Kuu Dooray Mawluhu
– – – Nina Waa-Kii Dushiyo
Xilka Duudka saartee
Siday uLa Dadaashee
Guusha ula Danaysee-
Ula Doonto Linintii
Isna Ugu Dirnaadee
Ugu Diir naxee Dhaqa – –
Idinkuna Dul iyo Hoos
Isku Doonis baad tiin
Isku Diirad Kaliyoo
Waydinkaa is Doortoo
Waydinkaa Is Deeqee
Naxariis Is Daawada – –
Noqda Laba Dantoodiyo
U Dirnaada Reerkoo
Xagal Daac U Diidoo
Diiqad Li,I Ku Wada Nool – –
Noqda Labada Daymada
Isku Fahma Dareenkee
Ruuxba Ruux Daryeeliyo
Dabacsani U Muujee
U Damqada Midkii Kale – –
Kalgacayl Ku Dadab Gala
Caashaqa Ku Doogsada
Muxibada Ku Diirsada
Darma Qudh Ku Wada Lada
Danta Meel U Wada Jira
Duco waalid Hagar li,i
Ku Dakeeya – Raaxada
Isna Daadeheeyoo
Noqda Uliyo Diirkeed – –
Gurigiina Laga Daah
Duro Iyo Waswaaskoo
Dire dire ka Nabad gala
Kuwa Dumiye Reeraha – –
Dar ilaah Mataanahan
Sida Roob Daroriyo
Cirka Dhibic Ka Soo Da,ay
Dhulku Uu Ugu Doogsado
Kalgacayl Daruur ihi
Qalbigooda Ugu Duxay – –
Dar Ilaah Mataanahan
Danwadaag Ahaadee
Xulashadiyo Dookhiyo
Daacaddnimo Sadkeedii
Daganaanta ku Xasilay – –
Dar Ilaah Mataanahan
Kala Doonay Aayaha
Dar ilaah Mataanahan
Wada Doojay Caashaaqa – –
Dar ilaah Mataanahan
Isku Doortay Noloshee
Iska Doortay Noolaha
Daayinoow Alahayoow
Ubad Doora kala sii
Daayinoow Allahayoow
Ubad Diinle Kala Sii