HUBAAL Ka AKhriso: Beesha HOODAALE Oo Kulan Qaadhaan Ururin Ah La Yeeshay Ganacsatada Deegaankooda

0
34

Hargeysa (Hubaal)-Guddida Horumarinta Beesha Sacad Muuse ee lagu doortay shirkii Hoodaale, ayaa kulan ballaadhan oo qaadhaan ururin ah u qabtay Ganacsatada, Masuuliyiinta, Culimada iyo Salaadiinta ka soo jeeda beeshaas.

Kulankan oo ahaa hadhimo-sharafeed lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay Salaadiin, Xildhibaanno, Ganacsato, Culmaa’udiin iyo dadweyne kale, iyadoo halkaas lagu soo bandhigay warbixin ay guddida Hoodaale ka diyaariyeen kormeer ay ku soo sameeyeen degaanno kala duwan oo bulshadda Hoodaale ku nooshahay.

Xafladda qado-sharafta ah, ayaa markii ay dhamaatay, waxa madasha lagaga dhawaaqay lacago qaadhaan ah oo ay guddida Horumarinta ee Hoodaale ugu yabooheen ganacsatada iyo masuuliyiinta xafladaas ka qaybgalay, kuwaasoo si shaqsi shaqsi ah ugu dhawaaqay lacago ay ugu deeqeen guddida, iyadoo halkaas lagu ururiyey lacag ka badan ilaa $50 kun oo doollar, taasoo loogu tallogalay in wax lagaga qabto horumarinta degaannada bulshada reer miyiga ah ku nooshahay.

Guddida-Hoodaale

Warbixinta guddidu soo bandhigtay, ayaa si qoto dheer loogaga hadlay xaaladaha kala duwan ee ay ku sugan yihiin dadka reer guuraaga ah ee beesha Sacad Muuse, gaar ahaan deegaannada Sayla ilaa Wajaale oo ka mid ah Gobolada Hargeysa iyo Gabiley, halkaasoo dhawaan guddidu ku mareen kormeer qiimayn ah, waxaanna xafladda guddidu qabatay lagu iftiimiyey caqabadaha iyo duruufaha degaannada ay soo mareen ka taagan, una baahan in sida ugu dhakhsaha badan wax looga qabto.

Mr. Maxamed Cabdi Alla-magan oo ah Waaxda Qorshaynta ee Guddida Hoodaale oo halkaas ka hadlay, ayaa ugu baaqay dhamaan beesha gudo iyo dibadba in guddida lagu taageero siddii wax looga qaban lahaa baahiyaha ku gedaaman degaannada ay ku dhaqan yihiin dadka reer guraaga ah ee ay metelaan.

Guddoomiyaha Guddida Hoodaale Mr. Maxamuud Qaalib Cali oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in loo baahan yahay in guddida la taageero, isagoo tilmaamay in degaannada dhinaca waqooyi ee Hargeysa oo ay xaaladooda u kuurgaleen u baahan yihiin in wax loo qabto, lana taageero.

“Waxaannu soo marnay deegaannada Daara-salaam, Ceel-sheekh Bulla-xaar iyo deegaamo kale oo Waqooyiga Hargeysa ilaa xeebta ah, waxaannu soo aragnay waxyaabo badan oo qiiro na geliyey. Safarkii labaadna waxaannu u baxnay degaannada galbeedka Hargeysa oo ah Sayla Bari illaa Wajaale, waxa noo dhiman uun Gabiley wixii ka shisheeya, waxaannuna ku talo jirnaa in aannu u baxno oo aannu soo ogaanno xaaladda ka jirta,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida Hoodaale.

Waxa kulankaas qado-sharafta ahayd ka hadlay Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa sheegay inuu aad ugu farxay midhaha shirkii Hodaale oo shaqaynaya inuu arko, waxaanuu yidhi; “Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan maanta arko midhaha shirkii Hodaale oo muuqda, waxa halkan lagu soo bandhigay waxyaabihii jiray iyo nidaamku sidduu ahaa, waxaan leeyahay gacan weyn ha lagu siiyo guddida shaqada ay wadaan, waa in xaga dhaqaalaha laga taageeraa, waxaan leeyahay waar gacmaha isku qabsada oo is kaalmaysta, aad ayaan uga yar naxay markii aan arkay dadkeennii baadiyaha oo laga sheekaynayo, waa dadkii aynu xoolahoodii qallanaynay, waxba kumaynaan celin, waxa weeyaan in gacan weyn lagu siiyo guddida, waxaan leeyahay ninkii is lahaa shirkii Hoodaale waxba kama noola waxaan leeyahay wuu noolyahay oo wakaas maantaba, waxaan idinkula talinayaa aynu is taageerno oo guddidana aynu taageerno.”

Xildhibaan Cabdillaahi Xuseen Cige (Balaki) oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa u soo jeediyey dhamaanba beesha gudo iyo dibadba in la taageero guddida Hoodaale, waxaannu bogaadiyey hawsha ay hayaan.

Guddoomiyaha dhinaca dhaqaalaha ee Guddida Hoodaale Sheekh Maxamed Aadan, ayaa sheegay inuu markasta ka shaqeeyo dhaqaale ururrinta danaha heer qaran, balse uu hadda diyaar u yahay siddii uu uga shaqayn lahaa dhaqaale ururinta beesha Sacad Muuse, isagoo ku baaqay in ganacsatada iyo cidkasta oo dhaqaale haysataba looga baahan yahay in guddida Hoodaale la taageero si qaadhaanka la ururriyo wax loogu qabto horumarinta adeegyada bulshada beesha Hoodaale.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here