Hargeysa, (Hubaal) – Doraad galinkii danbe ayaa Caagad Caano Geel ah oo Gadhooday ku qaraxday Madaarka Hargeysa.
Caagadan oo markii danbe la ogaaday inay ahayd Caano Geel oo si adag loo xidhay, islamarkaana laga reebay dadka rakaabka ah ee ka dhoofaya Madaarka ayaa la tilmaamay inay waqti kooban abuurtay Cabsi. “Meel u dhow Qaybta VIP-da Madaarka ayaa laga maqlay Qarax, keenay in la isku yaacyaaco.
Laakiin, waxaa la qoslay markii la ogaaday inay ahayd Caagad Caano ah oo muddo qiyaastii meesha taalay, ka dib markii laga reebay qofkii sitay.
Maadaama aan inta badan waxyaabaha dareeraha ah lala raacin diyaaradda.” Sidaas waxaa yidhi mid ka mid ahaa dadkii ka agdhawaa madaarka Waqtigaas oo HUBAAL Media la soo xidhay, waxana uu tilmaamay in Qaraxyaddii la baxay Shaanida ee todobaadyadii aynu ka soo gudubnay ka dhacayay meelo kala duwan oo Hargeysa ah loo qaatay markii hore maadaama aanay wax dhibaato ah geysan, laakiin mar danbe la ogaaday.
Ciidamada amaanka iyo saraakiisha madaarka ayaan ka hadal dhacdadan oo ay u arkeen mid aan mudnayn in la wariyo.