Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cade iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta dalka Dib ugu soo laabtay.
Waftigan oo dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay socdaal Hawleed ugu maqnaa dalka Djabout ayaa waxa ay ku guulaysteen in dib loo furo Xadka u dhaxeeya Labada wadan ee Somaliland iyo Djabouti.
Cali Maxamed Waran-cade ayaa u sheegay BBC-da in ay ku guulaysteen wada hadalo dheer ka dib, in dib loo furo xadka labada wadan ay wadaagaan.
Cali oo arrrimahaas ka waramaya ayaa yidhi “Waad Ogtahayoo beri dhaweyd Dhibaato yar baa ka dhacday, waxaanay saamaysay isu socodkii labada dal,
markaa si nabad galyada la isaga kaashan lahaa, ganacsiguna isugu socon lahaa arrimahaas ayaanu runtii u tagnay Magaaladda Djabouti.
Runtiina waanu ka wada hadalnay, si wanaagsana waanu isula afgaranay, maanta ayaanan dhamaysanay, madaxweynaha iyo wasiiradana waanu is aragnay, arrintaasina si fiican ayay ku soo dhamaatay” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.
Mar la waydiiyay mar hadii ay arrimo nabad-galyada ku saabsan u tageen Magaaladda Djabouti bal in ay khusayso labadii qof ee dhawaan isku qarxiyay Magaaladda Jabouti waxaanu yidhi “Dhibaatooyinkii dhacay wakhtigii hore dadku dee si caadi ah ayay isugu socon jireen, markaa sidii ay isugu socon jireen sidii loo hayb lahaa hawlaha marka ay wax dhacaan nabadgalyada loo ilaalin lahaa ayaanu u tagnay”
Mar uu ka jawaabayay Bal saddexda Qof ee ay dhawaan ku Wareejiyeen Dawlada Djabouti ayaa waxa uu yidhi “Waxa weeyaan dambiyadu meel walba way ka dhacaan, Somaliland iyo Djabouti waa laba dal oo saaxiibo ah, markaa dhinac wal oo ay wax ka dhacaanba Kolayba shuruuc bay leeyihiin labada Dal.
Dal walba wixii ka dhaca ama u gudubta xaga kale, mid walba waxa lagu qaadi doonaa dhulkii uu u dhashay ayaa kiiskiisa, laakiin baadhista iyo wax la isla ogaadaa way naga dhaxaysaa” Ayuu yidhi.
Mar la waydiiyay bal sababta ay Magaaladda Hargeysa Maxakamad ugu saari waayeen, “Waa la saarayaa, wayna jiraan dad halkan lagu qabtay, laakiin wixii reer Somaliland ah kiiskooda waxa lagu qaadayaa Halkan” ayuu yidhi.
Cali Warancade oo la waydiiyay bal xadadka xidhan ee Ethiopia iyo Djabouti in ay xidhiidh la leedahay qaraxyadii ka dhacay dalka Djabouti ayaa yidhi “Djabouti wixii xidhnaa ee xaga Ganacsiga iyo gaadiidka maanta ayaa la sii daayay, markaa si fiican bay u socotaa, dadkuna alaabtoodii iyo shaqadoodii wuu wataa, maanta wey u gudbeen iyaga oo la raacayo nidaamka nabadgalyada” ayuu yidhi.