Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Muj.Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) ayaa Si qoto dheer uga hadlay qabsoomida doorashooyinka isku sidkan ee la filayo inay Somaliland ka qabsoonto kal dembe marka ay muddo xileedka xukuumadda Madaxweyne Sillaanyo Dhammaato.
Cali-Gurey oo qoraal dheer oo faahfaahsan ku baahiyey barta uu ku leeyahya degelka Xidhiidhka bulshada ee Face Book-ga waxa uu shaki ka muujiyey suuro galnimada in xukuumaddu kaalinteeda ka qaadato qabsoomida doorashada, iyada oo food saaro looga dhigayo inaan hal mar lawada qaban Karin codbixinta labada doorasho ee Madaxtooyada iyo golaha wakiillada.
Haddaba Qoraalkaas oo nuxur badan xambaarsan ayaa HUBAAL Media Isaga oo dhamaystiran ay akhristayaasha uga soo minguurisay degelka Cali-Gurey, waxaana isaga oo dhamaystiran uu u dhignaa sidan:
Maalmahan waxa isa soo tarayay shakiga laga qabo doorashooyinka mudaysan hadii Alleh yidhaa kal dambe 2015ka oo aan u arko inay suurogal tahay qabashadoodu. Labada doorasho ee Wakiillada iyo madaxtooyada In maalin la wada qabto iyo in laba maalmood la kala qabto iyo hadii laba maalmood la kala qabanayo inta ay kala dambayn karaan iyo tan la horaysiinayo ama la dambaysiinayo ilaa hadda ma cadda balse waa wax laga wada hadli karo oo laga heshiin karo, in kasta oo marka aynu ognahay dhux dhuxda,wada faqa iyo kala faqa ay cadahay in sedexda xisbi ay ku kala aragti duwanaan karaan.
Sida inta u dhuun daloosha siyaasadda Somaliland ay og yihiin maaha in muxaafid iyo mucaarid uun loogu qaybsan yahay ee muxaafidka ayaa gudihiisa ku qaybsan mucaaridka laftiisuna si wax uma wada arkaan, siiba marka aynu ognahay khilaafka KULMIYE dhexdiisa, hamiga madaxtooyada iyo inta ku xeeran odayga, iyo labada xisbi ee mucaaridka ah iyo danaha ay wada leeyihiin iyo kuwa ay kala leeyihiin. Si kasta xaalku ha noqdo eh waxad moodaa in waxa keliya een lagu muransanayni uu yahay in sanadka 2015ku uu noqdo sanad doorasho ee aanay noqon sida kale.
Marka laga tago Somaliland waxa jira daneeye yaal kale oo muhiim ah marka ay tahay arimaha dimuqraadi yadaynta gaar ahaan qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah. Daneeyayaasha shisheeyaha ah oo dhan waxa ugu mudan kuwa ka caawiya Somaliland dhinaca maalgelinta hawlaha muhiimka u ah suurtogelinta doorashooyin xor iyo xalaal ah. Dhamaan inta ku lug leh ama ay khusayso qabashada doorashooyinku waxay isla wada qaateen in doorashooyinku aanay dib uga dhicin wakhtigoodii ilaa hadda wax iska bedelayna ma jiro.
Tan iyo 2002dii Somaliland waxa u qabsoomay shan doorasho. Marka sidaa loo eego waxa la odhan karaa way badan yihiin waayo marka muddo 12 sanadood ah ay shan doorasho u qabsoomeen waxay ka dhigan tahay in 2 sanadood iyo 4tii bilood ee walba ay hal doorasho u qabsoontay. Lakiin hadana mudadaas oo dhan waxay shacbiga Somaliland fursad u heleen inay doortaan wakiiladooda hal mar oo keliya. Waxa kale oo la og yahay heerka tayo ahaan liita ee aqalka Wakiillada iyo inta ugu badan xildhibaanada ka tirsan oo masiirkii ummadda ee lagu aaminay iyagu ka dhigtay sidii badeecad dukaan taal oo cidii goyn kartaa uuni gadan karto.Waxa murug iyo tiiraanyo ah in wakiiladu halkii ay iyagu kala xisaabtami lahaayeen ay xukuumadda iyaga kala xaraasto oo sidii ay doonto iyo wixii ay farto uun ku shaqeeya iyaga oo qaynuun ka dhigtay ( AAKHIRO DANTEEDA EH WIXII DAGAN KU HAAMERYA).Waxa taa ka sii daran waxay marayaan sanadkii sagaalaad kii tobnaadna way ku socdaan. Intaa wax ka badan in loo ogolaadaa gar iyo daw midna maaha wax la aqbali karo na maaha hadii xal la doonayo. Sidaa daraadeed doorashada wakiiladu waa geed-ka-go’an gaar ahaan Xisbiga UCIDna way ka go’an tahay in la xaadho aqalka Wakiillada inta ugu badan xildhibaanada ka tirsanina ay daaqadda ka baxaan si loogu tayeeyo aqalka Wakiillada xildhibaano cusub oo dalka iyo dadka u dhaami kara kuwa maanta kuraasida ku fadhiya ee weli sii jeclaysanaya inay ku sii fadhiyaan hadii ay u suurtoobi karto balse laf bay toobin ku hayaan. Xataa hadii ay dhacayso in qaarkood dib loo soo doorto inta ugu badan waxa laga yaabaa in xisbiyada kale ay soo celiyaan eh UCID meel uma hayo kuwan. Taas ayaana sabab u ah in UCID uu wakhti hore bilaabo xulashada musharaxiintiisa u diyaarka ah inay magaca Xisbiga UCID ku tartamaan doorashada si ay uga mid noqdaan xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiilada.
Dhinaca doorashada madaxtooyada UCID wax dhulka ka yaal ama qabyo ka ahi ma jiraan ilaa musharaxiinta u tartamaysa waa la ogyahay. KULMIYE laftiisa waxa aynu ognahay in aanay jirin cid la tartamaysa Madaxwayne Silanyo halka Xisbiga Waddanina la filayo in jagada madaxwaynaha uu u tartami doono Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdiraxmaan Cirro oo ah Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI. Si kastaba xaalku ha ahaado eh lix bilood ka hore maalinta doorashada loo cayimo waa in sedexda xisbi ay musharaxiintooda si rasmi ah ugu gudbiyaan Komishanka Doorashooyinka.
Hadaba diiwaangelinta cod bixiyayaasha oo labadii sanadood ee ugu dambeeyay ahayd arinka ugu muhiimsan ee Komishanka Doorashooyinka, xisbiyada, iyo xukuumadu ay ka wada shaqaynayeen ayaa Haatan meel aad u fiican maraysa lakiin ay suurtogal tahay in aanay ku dhamays tirmin xiligii ay hore u soo jeediyeen xisbiyada qaranku oo ahayd 31/12/2014 oo sida ay tibaaxeen Komishanka Doorashooyinku la filayaa in ilaa laba bilood ay dib u dhici karto. Taas oo macnaheedu yahay in lagu dhamaystiri karo ilaa afar bilood ka hor wakhtiga u mudaysan qabashada doorashooyinka. Ugu dambayn marka diiwaangelinta la dhamaystiro ayay tahay in Komishanka Doorashooyinku si rasmi ah u cayimo maalinta doorashadu ama doorashooyinku dhici doonto/doonaan taas oo uu Madaxwaynuhu digreeto ku soo saari doono. Halkaa marka ay marayso waxa inoo dhimani waxay noqoayaan intii aynu naqaanay ee xiliga doorashooyinka qaban jirnay. Waa soo daabacaadii waraaqaha cod bixinta iyo sanaadiiqdii, goobihii cod bixinta, ololihii doorashada iyo arimihii la midka ahaa.
Marka xaqiiqada jirtaa ay taasi tahay wax inagu cusub ee keli ihina yahay wada qabashada labada doorasho oo iyadana farsamo ahaan tafaasiisheeda laga wada hadli karo, yaa sheegi kara hadaba halka muddo kordhinta la sheeg sheegayo ama laga baqanayo qiil looga heli karo sharci ahaan hadii se sharci darro loo badheedhayo waa halkeeda” Sidaa ayuu ku soo gunaanaday Qoraalkiisa Md. Cali Gurey