HUBAAL Ka Akhriso DOQMIHII XOOLAHA RAACAY!!!: Masraxiyad Kooban Oo Uu Curiyey Mu’allifkii Caanka Ahaa Ee Xuseen Aw Faarax Dubbad

0
167

 

“Doqoni Illaahayna way hafartaaye…!! Markii Illaahay dameerkan ka dhigay adhigii oo dhan muxuu adna dameer kaaga dhigi waayay?”-  Waxa curiyey Xuseen Aw-Faarax Dubad

Doqonkii Geela Raacay

Waxa jiray wiil doqon ah oo geeljire ahaa, laguna magacaabi jiray Meecaad. Meecaad maalin maalmaha ka mid ah ayuu Geelii foof geeyey, isagoo geeli la jooga ayuu arkay Sakaaro meel daaqaysa, wuxuuna niyada gashaday inuu sakaarada hilibkeeda dubto maanta.

Meecaad wuxuu ku yidhi sakaaradii “Sakaarooy dab iyo mindi ayaan kuu doonanayaaye halkaas sii joog oo ha dhaq-dhaqaaqin, Geeloow adna halkaas sii daaq oo ha dhaqdhaqaadin  inta aan soo noqonaayo”.

Wiilkii Meecaad ee doqonka ahaa wuxuu ku soo laabtay reerkoodii,

Hooyadii: Hooyo Meecaad maxaad soo doontay?

Meecaad: Ihi.. ihi.. hooyo dab iyo mindi I sii!!!!!

Hooyadii: Hooyo wa kuwane hoo oo deg deg ugu tag geelii yaanu imane.

Meecaad isagoo dabkii iyo mindidi la ordaya ayuu yimid meeshii,  hase yeeshee, Geeli iyo Sakaaradii midna wuu waayay. Maalintii oo dhan baadi goob ayuu ku jiray, galabnimadii markuu daalay ayuu ku soo noqday reerkii isagoo marna sidii geelii u ololaya, marna sidii sakaaradii wis. Wis-ta haya, reerkii oo dhamina waa yaabay.

Hooyadii: Hooyo maxaa ku helay?

Meecaad: Waxba ima helin ee geeli iyo sakaaradiibaa anigaa ah.

Doqontii Adhiga Raacday

Waxa iyana jirtay gabadh doqon ah oo la odhan jiray Miida, Maalin Maalmaha ka mid ah ayay raacday adhiga oo ay foofisay.

Markii Duhurkii ay gaadhay Cadceediina ay kululaatay ayuu  adhigii geed wayn hoostiisa hadh galay, Miidina waxay iska dhex seexatay, Casarkii markii ay cadceedii gaabatay ayuu adhigii iyadoo hurda ka dareeray geedkii.

Xuseen Aw Faarax DubbadMiida waxay toostay goor cadceedu aad u gaabantahay waxayna eegtay hareeraheeda iyadoo eeg eegaysa adhigii hase yeeshee il may saarin, waxayse aragtay dameer geedkii hoos jooga, Miida iyadoo naxsan ayay ku fikirtay adhigii dameerkan ayuu noqday, waxayna soo kaxaysatay dameerkii oo ay keentay reerkii.

Waxaana ku soo baxay dad badan oo aabaheed ka mid yahay.

Aabaheed: Miida adhigii mee?

Miida: ( Iyadoo qoslaysa qosol nacasnimo) Aabe ihihi… adhigii oo dhami wuxuu noqday dameerkan!!!

Aabaheed: Doqoni Illaahayna way hafartaaye…!! Markii Illaahay dameerkan ka dhigay adhigii oo dhan muxuu adna dameer kaaga dhigi waayay?

Miida: Wuu iga dhigi lahaaye anigu waan hurday adhiguna wuu soo jeeday.

Source: SAXAFI

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here