HUBAAL KA AKHRISO: Garsooraha Xukumay Haatuf iyo Madaxdiisa Oo Diiday Inuu Bixiyo Nuqul Ka Mid Ah Xukunkii Uu Soo Saaray

0
34

Solja oo baaq culus u jeediyay caalamka dimiqraadiyadda iyo xoriyadda saxaafadda daneeya

Hargeysa,(Hubaal)- Masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa Baaq culus u jeediyey Beesha caalamka guud ahaan, gaar ahaanna Hay’adaha iyo Dawladaha daneeya nidaamka dimuquraaddiyadda iyo madax-bannaanida Saxaafadda Somaliland, kuwaasoo ay ugu baaqeen inay si dhaw isha ugu hayaan oo ula socdaan sida ay wakhtigan wax yihiin iyo inay madax-bannaanidii Warbaahinta xorta ah ee Somaliland god madow ku dhacday.

solja

Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf, ayaa u xaqiijiyey Masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA inuu Racfaan ka qaatay xukunkii ay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) ku ridday 25-kii bishii lixaad ee 2014-ka, oo sharci-darro iyo caddaalad-darro lagu tilmaamay.

SOLJAQoraal kooban oo uu xalay soo saaray Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa lagu sheegay inuu Guddoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe u xaqiijiyey inuu Racfaan ka qaatay Xukunkaas caddaalad-darrada ahaa, ka dib markii ay booqasho ugu tageen Xabsiga uu ku xidhan yahay Khamiistii oo ay bishan Julay ahayd 3, isla markaana ay dalabkiisa u gudbiyeen Maxkamadda Racfaanka Somaliland ee magaalada Hargeysa.

 

Hase-yeeshee, Calawi Cabdi Gaboobo oo ay Walaalo yihiin Guddoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Garyaqaannada u doodayey Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf, ayaa sheegay inuu Garsooraha xukunka sharci-darrada ah ku riday Wargeyska Haatuf iyo Masuuliyiintiisa oo lagu magacaabo Garsoore Asad uu diiday inuu bixiyo Nuqulka Xukunka uu ku riday Haatuf iyo Madaxdiisa 25-kii bishii hore ee June ee sannadkan oo uu qol Madow ku dhex xukumay.

Waxa-se uu Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ugu baaqay Daneeyayaasha Xorriyatul-qawlka iyo arrimaha dimuquraaddiyadda iyo Madax-bannaanida Saxaafadda, inay la socdaan, isla markaana isha si dhaw ugu hayaan arrimaha Madax-bannaanida Saxaafadda Somaliland oo uu SOLJA sheegay inay hog madow ku ridday Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Hay’adaha Garsoorka oo lumiyey dhex-dhexaadnimadii iyo madax-bannaanidii ay wax ku garsoori lahaayeen, keliyana u adeega cid gaar ah oo ah Xukuumadda, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay ururka SOLJA.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here