HUBAAL KA AKHRISO Kana DAAWO: Hoggaanka Saddexda Xisbi Qaran iyo Madaxtooyada Somaliland Oo Maanta Xal Ka Gaadhay Murankii ka Taagnaa Diiwaangelinta+SAWIRRO

0
21

Hargeysa (Hubaal)-Waxa goor dhaweyd  kulan lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Somaliland lagu soo Gunaanaday murankii ka taagnaa arrimaha Diiwaangelinta,iyadoo ay halkaas ka hadleen hoggaanka sare ee axsaabta qaranka Somaliland.

jeegKulan maalintii shalay bilaabmay oo ujeeddadiisu ahayd in bulshada loo bayaamiyo in meesha laga saaray khilaafkii ka  taagnaa qoddobo ku jirey xeerka diiwaangelinta oo haatan horyaalla Golaha Baarlamaanka,  kaas oo axsaabta qaranka, gaar ahaan kuwa mucaaridka ahi hore u sheegeen inay qaadaceen ka qaybgalkeeda.

Shir jaraa’id oo ay maanta madax saddex xisbi qaran si wada jir ah ugu qabteen aqalka madaxtoyada, ayaa lagu shaaciyey in si wada jir ah labada xisbi mucaarid iyo xukuumaddu iskula meel dhigeen in qoddobada muranku ka taagan yahay waxka-beddelkooda uu madaxweyne siilaanyo kadab geeyo xeerka la Gudbiyey, iyadoo la filayo in sida ugu degdegga badan madaxtooyadu baarlamaanka ugu gudbiso waxkabeddelka lagu heshiiyey in lagu sameeyo qoddobada mucaaridku diidan yahay.

HOggaamiyayaasha saddexda Xisbi-qaran iyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ayaa si wada jir ah u sheegay inay isla garteen in dib loogu noqdo xeerka diiwaangelinta, isla-markaana madaxweynuhu ogolaaday inuu dhawaan barlamaanka geeyo qoddobada uu waxkabeddelka ku sameeyey.

Axsaabta mucaaridka ah ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan hannaanka heshiiskani u dhacay, isla-markaana ay diyaar u yihiin inay kaqaybqaataan diwaangelina heshiiska  la gaadhay oo salka ku haya sidii wax kabeddel loogu samayn lahaa qododobo ay hore uga biyo diideen.

Arrinan ayaa ah mid gebi ahaanba ay shacabka Somaliland soo dhaweyn doonaan, waxana dhawaanahan maskaxdooda daaliyey fikraddo iska soo horjeeda oo lagaga  hadlayey diiwaangelinta madaniga ah oo la filayo in dhawaan laga qabto gebi ahaanba Somaliland.

HUBAAL KA AKHRISO Kana DAAWO  Hoggaanka Saddexda Xisbi Qaran iyo Madaxtooyada Somaliland Oo Maanta Xal Ka Gaadhay Murankii ka Taagnaa Diiwaangelinta+SAWIRRO

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here