Hargeysa (Hubaal) – Dad badan oo maalintii Jimcihii ee bishii ina dhaaftay ee MAY ahayd 31, ayaa ciidammada Ammaanka Somaliland siyaabo kala duwan oo inta badan la xidhiidha khilaafka Kulmiye u xidhxidheen waxaloo taxaabay Xabsiga Mandheera.
Dadkan oo Wargeyska Saxafi magacyaddoodda helay waxaa ay tiradoodu dhan-tahay 13 nin. Dadkan waxaa ku jira Wasiir ku xigeenkii hore ee Amaanka Cabdilaahi Abokor oo isaga warku sheegay in lagu xidhay dhaleecayn uu u jeediyay Xukuumadda uu ka tirsanaa. Islamarkaana xadhigiisu keenay rasaas xoogan oo dhexmartay ilaaladiisa iyo Ciidamada Booliska oo habeen hore doonayay inay gurigiisa ka taxaabaan.
Laakiin, wararka aanu helay waxaa ay Tilmaamayaan in inta badan dadka kale Xukuumaddu u xidhxidhay taageero ay u muujiyeen guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi. Kuwaasoo ay ku jiraan qaar sawirkiisa oo baabuurkoodda ku dhajisnaa lagu xidhay. Waxaana ka mid ah oo ay kala yihiin xubnahaasi.
1-. Khadar Daahir Guray
2- Mustafe Dhamac Caabi
3 – Cumar Yuusuf Ibraahim (Dharab),
4 – Mujaahid Quraysh Xassan
5 – Xassan Maxamuud Yuusuf
6- Cumar Cabdi Buushe
7- Cabdilaahi Abokor [wasiir ku xigeenkii hore]
8- Ismaaciil Cumar Cismaan
9 – Maxamed Cismaan
10- Maxamed Nuur Cabdilaahi
11- Saleebaan Cumar Guuleed
12- Mawliid Ibraahim Aadan (Mallo)
13- Cabdi Nuur Cismaan
14- Saleebaan Xuseen Dheere (Sallo)