Guddoomiyaha Degmada Sallaxlay oo eedayn u jeediyey Wasiirka Daakhiliga iyo Ciidanka Booliska
“Shirka markii uu wasiirku maamuli kariwaayey xafiiskiisii ee dad suuqa laga soo ururiyey buuq iyo sawaxan badani ka dhacay ayaanu annagu isaga soo baxnay, waxaannan filayaa…” Maayarka Sallaxlay Ismaaciil Yuusuf Xuseen (Shiine)
Hargaysa (Hubaal)- Muran iyo buuq ayaa fashiliyey kulan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde isugu yeedhay masuuliyiinta golayaasha degaanka ee Hargeysa iyo Sallaxlay si xal looga gaadho khilaaf dhuleed oo sababay isku dhacyo keenay dhaawacyo shalay.
Kulankaas oo ka qabsoomay xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha ee magaalada Hargeysa gelinkii hore ee shalay, kana qaybgaleen Maayarrada Hargaysa iyo degmada Sallaxlay – Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Ismaaciil Yuusuf Xuseen (Shiine), xildhibaanno kala wehelinayey iyo weliba odayaal dhaqameed la sheegay inay qayb ka ahaayeen dadaallada dhexdhexaadinta muran la xidhiidha maamulidda degaanka Toon ee Koonfurta Hargeysa, kaas oo labada gole degaan mid waliba dhiniciisa ka sheeganayo inuu maamulkiisa hoos tago, ayaan wax natiijo ah laga gaadhin, iyadoo buuq fara badan oo madasha ka dhacay kadib lagu kala dareeray.
Guddoomiyaha Golaha Degaanka Degmada Sallaxlay Ismaaciil Yuusuf Xuseen (Shiine) oo warbaahinta la hadlay kadib markii isaga xubno wehelinayey dibadda uga baxeen kulankaasi, ayaa sheegay in shirka ay carqaladeeyeen dad uu ku tilmaamay inay suuqa ka soo ururiyeen golaha degaanka Hargeysa, isla markaana uu Wasiir Warancadde maamuli kariwaayey xafiiskiisa.
“Iminka waanakan ka soo baxnay xafiiska Wasiika Arrimaha Gudaha sidii berigii jabhaduhu joogeen oo kale ayey golaha degaanka ee Hargeysa ka soo ururiyeen suuq dad ay doonayaan inay xafiiska wasiirka dhexdiisa ku mudaharaadaan oo ay ka buuqaan, waxaannan anigu iminka uga soo baxay hab-dhaqan xumadii meesha ka socotay, runtii Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu ka adkaan kariwaayey inuu xafiiskiisa gudihiisa oo qudha maamulo.
Goobahani (meelaha lagu muransan yahay) maaha qaar mugdi la gelin karayo ama intay dad gaar ahi intay meel fadhiistaan iska qorqori karayaan, dadku way joogaan, goobihii la dhigay sanaaduuqduna way cadyihiin, wasiirka daakhiliguna haddii uu doonayo inuu ogaado si dhib yar ayuu u soo ogaan kari lahaa oo kelidii ayuu tagi kari lahaa, laakiin waxay u eegtahay arrintu in aannu isagu u jeedin.”
“Shirka markii uu wasiirku maamuli kariwaayey xafiiskiisii ee dad suuqa laga soo ururiyey buuq iyo sawaxan badani ka dhacay ayaanu annagu isaga soo baxnay, waxaannan filayaa inay qolyihii kalena isaga soo baxeen, wax go’aan ah oo ka soo baxayna ma jiraan, inta uu sidaa yahayna wax go’aan ah oo ka soo bixi doona ma garanayo,” ayuu yidhi Ismaaciil Yuusuf Xuseen (Shiine).
Waxa kale oo guddoomiyuhu cambaarayn u jeediyey Taliska ciidanka Booliska oo uu sheegay in aannu waxba ka qaban dadkii ka dambeeyey laba fal oo lagu kala dhaawacay xildhibaan iyo askari degmadiisa ka tirsan, kuwaas oo lagu rasaaseeyey muranka u dhexeeya labada degmo.
“Arrintani waxay u eegtahay mid lagu heshiiyey oo dhul-boobnimo ah oo ay u dhan yihiin ciidanka booliska, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiye Shiine.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Golaha Degaanka Hargeysa toona ayaan wax hadal ka soo saarin kulan iyo khilaafka dhuleed ka taagan maamulka dhulka Koonfurta magaalada Hargeysa, isla markaana isku dayo Jamhuuriya kula xidhiidhay Wasiir Warancadde iyo Maayarka caasimadda ayaan suurtogelin in aannu khadka isgaadhsiinta ku helno xalay telefoonnadooda gacantu xidhnaa awgood