HUBAAL KA AKHRISO: MUWAADDIN REER SOMALIAND AH OO DACWAD KU OOGAY SAFAARADDA QADAR EE INGIRIISKA

0
33

Dooda ninka muwaadinka ah oo dhalasho Ingiriis haysta + arragtida qareenkiisa + jawaabta safaaradda iyo nuxurka kiiska la isku haysto

London (Hubaal)- Muwaaddin u dhashay dalka Somaliland oo haysta jinsiyadda Ingiriiska,  ayaa dacwad ka gudbiyey diblomaasi ka shaqeeya safaaradda waddanka Qadar ku leeyahay UK, kadib markii muwaaddinkaasi uu diblomaasiga reer Qadar kala kulmay tacadi iyo midab-takoor fool xun, qaab aan sax ahaynna shaqada looga eryey.

muwaadinka-dacwadda

Muwaaddinkan oo ah oday da’diisu tahay 73 jir, laguna magacaabo Maxamuud Axmed, ayaa wargeys la yidhaa Evening Standard oo Ingiriiska ka soo baxa u sheegay in  diblomaasiga waddanka Qadar ee ka shaqeeya safaaradooda London uu tacadi fool xun kula kacay,  uguna yeeshay dameer la addoonsado,  taasina ay sababtay inuu diblomaasigaas ka  dacweeyo maxkamadda.

Mr. Maxamuud Axmed oo muddo 20 sanno ah shaqaale-hoosaad ka ahaa safaaradda Qadar ee Ingiriiska, isla markaana hadda shaqada laga fadhiisiyey, waxa uu saxaafadda u sheegay in isagoo muddo 40 sanno ah ku noolaa UK uu dhibaato iyo tacadi aflagaado ah kala kulmay diblomaasi Carbeed oo ka hawlgala safaaradda Boqortooyada Qadar ku leeyihiin London.

“Si xun ayuu ii la dhaqmay, wuxuunna caadaystay inuu igu tilmaamo dameer amma ey madow oo addoon ah. Ninka dhibaatada ii gaystay waxa la yidhaa Abdullah Al-Ansari, waana madaxa qaybta caafimaadka ee safaaradda Qadar, qaab cunsuriyad ku dhisan iyo da’da oo la igu faquuqay ayaanna shaqada la iiga fadhiisiyey,” ayuu yidhi Maxamuud Axmed.

Sidoo kale, oday Maxamuud Axmed, ayaa dacwad ka furtay maxkamadda kiisaska shaqaalaha qaabilsan oo ku taal magaalada London, isagoo ku dooday in midab-takoor iyo cunsuriyad lagu sameeyey, si sharci-darro ah oo da’diisa lagu faquuqayna shaqada looga fadhiisiyey, waxaannu codsaday in caddaaladda loogu kal garnaqo isaga iyo Madaxa Waaxda Caafimaadka ee Safaaradda Qadar ku leeyahay Ingiriiska.

Warbixinta lagu baahiyey wargeyska Eevening Standard oo Jamhuuriya soo turjumay, waxa lagu sheegay in Safaaradda Qadar ay gebi ahaanba beenisay eedaha muwaaddinka Somaliland u jeediyey, iyagoo sidoo kale iska difaacay dacwadda uu Maxkamadda Shaqaalaha ee London kaga oogay.

“Eedaymaha uu Maxamuud Axmed soo jeediyey waa qaar aanay waxba ka jirin. Ma  jirto meel si xun loogula dhaqmay,  cid safaaradda ka tirsan oo ku xadgudubtayna ma jirto, midab-takoor  midabkiisa la xidhiidha oo lagu sameeyeyna ka jiro, wax aan wanaag ahayna looma samayn. Waxa safaaradda laga shaqaalaysiiyey wiil uu dhalay iyo xubno kale oo qoyskiisa ka mid ah, iyagoo ka mid ah shaqaale jinsi ahaan iyo dhaqan ahaanba kala duwan oo sidoo kale safaaradda ka shaqeeya.”  Sidaa waxa yidhi afhayeen u hadlay Saraafadda Qadar ee Ingiriiska.

Maxkamadda Shaqaalaha ee London, ayaa la sheegay inay kiiskan go’aan ka gaadhi doonto dhammaadka sannadkan 2014, kadib marka ay ogaato in diblomaasiyiinta safaaraduhu aanay lahayn wax xasaanad ah oo dawcadaha noocan ah ka horjoogsada in lagu qaado, iyadoo sidoo kale maxkamaddu gacanta ku haysa kiisas la xidhiidha gabadh cunto-kariye ka ahayd safaaradda Sudan iyo gabadh kale oo shaqaale-hoosaad ka ah safaaradda Liibiya, kuwaasoo maxkamadda u gudbiyey dacwado ka dhan safaaradahaas.

Qareenka u doodaya Mr. Maxamuud Axmed oo lagu magacaabo Audrey Onwukwe,  ayaa sheegay in ninka uu qareenka u yahay ka cabanayo dhaawacyo ku yaal iyo tacadiyo uu tilmaamay inuu kala kulmay safaaradda Qadar ee Ingiriiska, isagoo xusay inuu aad uga xun yahay in shaqaalaha ka hawlgala safaaradaha ajnabiga ah aanay lahayn sharci u ilaaliya sida shaqaalaha kale ee UKka hawlgala, balse waxa uu tibaaxay in kiisa Maxamuud Axmed la xidhiidho cunsuriyad iyo midab-takoor, waajibna tahay in dacwaddiisa go’aan laga gaadho.

Haseyeeshee, afhayeen u hadlay maxkamadaha dhinaca shaqaalaha qaabilsan, ayaa sheegay in kiiska Maxamuud Axmed hakad ku jiro ilaa inta go’aan laga helayo Maxkamadda Sare, kaasoo la xidhiidha in diblomaasiyiintu leeyihiin xasaanad ka horjoogsanaya in dacwaddan lagu qaado.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here