HUBAAL KA AKHRISO: NIN CAALAMKA SOCOD KU MARAYA OO KA SHEEKEEYEY ARRIMO UU KU ARKAY SOMALILAND

0
37

Hargeysa (Hubaal)-  Nin lagu magacaabo Dane Henrik Jeppesen, una dhashay dalka Denmark ee qaaradda Yurub, ayaa ku darsaday Jamhuuriyadda Somaliland liisaska 324 waddan oo caalamka oo uu socod ku marayo ilaa sannadka soo socda ee 2015.

 

Ninkan dunida safarka ku maraya oo da’diisu tahay 25 sanno jir a Danish 25-year-old, ayaa qoraal uu ku baahiyey bogga uu internet-ka ku leeyahay ee Henriktravel.com, waxa uu kaga sheekeeyey safar gaaban oo uu ku yimi Somaliland bishan July ee hadda lagu jiro, isagoo xusay inuu aad uga helay dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Qoraalka Mr. Dane Henrik Jeppesen ka diyaariyey Somaliland oo Jamhuuriya Afsoomaali u turjumay, waxa uu u dhignaa sidan:

ninka-socodka-ku-maraya

“Somaliland maaha dal si rasmi ah loo aqoonsan yahay inuu yahay waddan madaxbannaan, laakiin si iskii ah isku maamula, samaystayna calan, lacag iyo dawladnimo shaqaysa. Shirkadda diyaaradaha ee Jubba Airways ayaa   i siisay tigidh bilaash ah markii aan ka soo duulay dhinaca magaalada Nairobi ee dalka Kenya, soona cago-dhigtay Hargeysa oo ah caasimadda Somaliland.

Aad iyo aad ayaan uga helay markaan immi dhulka Somaliland, sida lagu baahiyey website-ka Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland, waxa la beddelay siyaasaddii lagu bixin jiray fiisaha dal-ku-galka, iyadoo markaad madaarka ka soo degto fiisaha lagu siinayo, lacagta lagaa doonayaana waa $80 doollar, taasoo ah mid aad ugu badan marka loo eego fiiso 24 saac oo qudha aan dalka ku joogayo. Muddo ilaa 30 saacadood ayey diyaaraddii dib u dhacday, markaa waxa aan go’aansaday inay ii fiican tahay in aan laanta socdaalka weydiisto fiiso muddo gaaban ah oo qaadanaysa ilaa 24 saac. Waxa saraakiisha socdaalku ii sheegeen in diyaarad kale tagayso dalka Jabuuti, taasna aan raaco, balse waxaan ku wargeliyey in aan doonayo in dalalka aan safarka ku marayo ku darsado Somaliland si aan wax uga ogaado xaaladda meesha taal.

 

Saraakiisha socdaalku waxay i weydiiyeen ujeeddada socdaalkayga, waxaanan u sheegay in aan doonayo sidii aan dalalka adduunka oo dhan safar ugu mari lahaa anigoon kharash badan isticmaalayn, taageerana ka helay shirkadaha diyaaradaha adduunka oo tigidho bilaash ah iigu deeqay, kadibna sarkaal laanta socdaalka ka tirsan ayaa i siiyey fiise bilaash ah oo aan muddo gaaban ku joogay Somaliland. Sidoo kale, waa laga saamaxay in aan bixiyo cashuurta soo-degista iyo dhoofista ee dadka laga qaado, laakiin waxa keliya oo aan bixiyey cashuurta ku ha-kashada (transit Tax), taasoo keentay inay baaqi ii noqoto lacag dhan boqolaal dollar (100 dollars), nasiibkayguna wuu fiican yahay.

 

Magaalada Hargeysa waa meel ammaan ah, tagsiga aad kiraysataana waa qaali. Anigu baabuur tagsi ayaan ayaan ka raacay Madaarka Cigaal. Waxaan ku degay hudheelka Ambassador, iyadoo markii aan qorshaha safarkayga u sharaxay iigu deeqay qol aan saxeexdo oo shaqaalaha hudheelka loogu talogalay, maadaama hudheelka intiisa kale oo dhan ay buuxday, meel laga seexdaana aanay jirin.

 

Waxaan u soo baxay magaalada si aan xaalada u ogaado. Muddo ilaa gelin dambe ah ayaan suuqa ku qaatay, dadkuna si diirran oo naxariisle ayey ii soo dhaweeyeen. Dhibaatada qudha ee i qabsatay waxay ahayd kamarrada aan sitay, sababtoo ah dadku

ma oggola in sawiro laga qaado. Reer Hargeysa way iska ilaaliyaan kamaradaha iyo waxyaabaha la duubayo ee qof ajnabi ah sito, laakiin soo dhawayntooda iyo naxariistooduba aad bay u sarraysaa.

Dalka Somaliland maa ha goob loo dalxiis tago, laakiin waa dhul aad u xiiso badan in la booqdo, aad baanan ugu mahadnaqayaa Laanta Socdaalka Somaliland, aad baanan ugu faraxsanahay in booqashadaydu ku dhaammatay bilaa rabshad,” ayuu Mr. Dane Henrik Jeppesen ku yidhi warbixintiisa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here