HUBAAL KA AKHRISO: Qarax Sahayday Ma-Soomanayaal Ka Cunteenayay Maqaaxi Magaaladda Beledxaawo Ku Taala

0
38

Beledxaawo(Hubaal) -Maqaaxi ku taalla Magaalada Bedelxaawo ee Gobolka Gedo, ayaa Laga fuliyey Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay.

Sida ay  warbaahinta Somaliya laga leeyahay baahisay, waxa ujeeddada qaraxu salka ku haysay Dad ma-soomayaal ah oo halkaas Maalin ramadaan ah ku cuntaynayey.

qaraxii jabuuti

Wararka ku aadan qasaaraha ka dhashay qaraxaasi ayaa sheegaya in ku dhawaad 4 ruux ay ku dhinteen qaraxa oo aan la sheegin nooca uu ahaa.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay qaraxa lala eegtay dadka lagu sheegay inay ahaayeen ma-soomayaal.

Gudoomiyaha degmada Beledxaawo ayaa sheegay inay wadaan baadhitaano iyo tiro koobka dadka ay waxyeelada kasoo gaadhay qaraxaasi, saxaafadana ay dib faahfaahin kasiin doonaan.

Amaanka degmada Beledxaawo ayaa maalmihii lasoo dhaafay aad loo adkeynayay, maadaama marar badan ay dagaalo ka dhaceen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here