London(Hubaal)- Waxaa dabayaaqadii bishii hore ay xukuumadda ingiriisku mamnuucday in Qaadka uusoo galo gebi ahaanba boqortooyada Ingiriiska.
Hadaba Waxaa soo ifbaxaya sheekooyin kala duwan Oo Qaadka joojin-tiisa ku saabsan taas oo dad badan ka yaabisay, dhacdooyinka Hadalhaynta Qaadka Oo aad u saraysa awgeed iyo dadka Qaadka xooga u cuna oo ay aad ugu adkaatay Qaadka joojintiisa.
Dhacadada Ugu danbaysa ayaa la sheegayaa in dadka Qaadka aadka Ugu xidhan aan kana maarmayn Qaadka la’aantiis ayaa ku andacoonaya inay u tagayaan Dhakhtarka u gaarka ah(GP) si ay u qoraan Qaadka si Ay u isticmaalaan dawo ahaan iyadoo markaas loogasoo diri doono Dalka dibadiisa maadaama ay dawo ahaan u qaadan doonaan.
Ugu damben waxuu bulshada soomaaliyeed eeku nool UK kula dardaarmey ineey u hogaansamaan awaamiirta kaoo baxdeey xukuumada dalkan ingariiska sharcigana ay ilaaliyaan, iyadoo ay jiri doonaan Cinqaabo lagu qaadi doono Cidii lagu helo inay ka ganacsanayso qaadka ama Cunayso,ama Fududeynaya hawlaha qaadka ku saabsan.