“Ma guulaysan kartaan idinkoo dambi samaynaaya” sheikh Saad Al-Duraihim
Saudi Arabia (Hubaal) Sheekh Imaam ah oo ka soo jeeda dalka Sucuudi Carabiya ayaa ku sifeeyay guuldaradii uu xulka Brazil kala kulmay xulka Jarmalka mid ku salaysan diinta iyo cibaadada Illaahay, qoraal kooban oo uu dhigay bogga uu ku leeyahay Twitter-ka.
Sheekhan oo magaciisa layidhaahdo Sheekh Saad Al- Duraihim ayaa sheegay in taageerayaasha xulka qaranka Brazil ee martigalinayay koobka adduunka ay ahaayeen kuwo qaaqaawan oo jidhkooda soo baneeyay rag iyo dumarba, sidaa daraadeed Illaahay waxa uu u keenay guuldarada, waxa sidoo kale uu sheekhani sheegay in xumaanta ay dadka reer brazil ee taageeraayay xulkooda ay sabab u tahay in qaranka Brazil ka hadho oo lagu reebo wareega semi final-ka
Arrintan uu sheekhu soo dhigay mareegta Twitter-ka ayaan dad badani fursad u helin oo dhaaftay, waxa jiray hal qof oo jawaaab ku jees-jeesid ah ku yidhi “ xulka Jarmalku waa ay badiyeen maxaa yeelay waxa ay ku mashquulsanaayeen cibaado “Salaad” gaar ahaan mida loo yaqaan Taraawiixda oo dadka muslimiinta ahi ay sameeyaan bisha Rammadaan
Intii lagu gudo jiray ciyaarta ayaa taageerayaasha xulka brazil waxa ay ku soo bandhigayeen muqaalo xun oo qaawan mareegaha ay bulshadu isku arkaan islamarkaana ay ugu muujinayeen ciyaartoyda brazil jidhkooda meelaha cawrada ah iyagoo u marinaya bogga Twitter-ka ee bulshada ka dhexeeya
Hadaba xulka qaranka Brazil oo ahaa marti galiyaha koobka adduunka ayaa habeenkii arbacadu soo galaysay waxa six un uga badiyay dhigiisa Jarmalka ciyaarta wareega Affarta (Semi final) ka dib markii uu xulka jarmalku u xambaariyay 7 gool iyo 1, tanina waxa ay keentay in wargeysyada iyo telefiishanada ciyaaraha ka faalooda ee dalka brazil ay ku tilmaamaan guuldaradii ugu weyneed ee soo marta xulka qaranka brazil waxaana ay sidoo kale ku tilmaameen inay tahay guuldaro laga xishoodo.
“Waa khajilaad tii ugu weyneed eek u dhacda xulka brazil muddo 84 sannadood oo koobka adduunka ah, waxa ay ahayd 10 daqiiqo oo gabal baasi kuu dun ah, wax la samayn karo may ahayn” waxa yidhi Galvao Bueno oo ah ciyaar faaleeye telifiishanka brazil ah.
“Xaqiiqdii xulka jarmalku waxa ay u ciyaareen sidii aanu jeclayn inaanu u ciyaarno, sidaa daraadeed waa in aanu dib u fadhiisanaa, oo aanu eegnaa waxa ka qaldan kubada cagta brazil gaar ahaan akaadamiyada,habka aanu ugu barayno ciyaartoyda markaa isbedal badan ayaa iman doona” Juninho, laacibkii hore ee Brazil.
si kastaba ha ahaatee dadka ku nool dunida ayaa ay noqonaysaa inay ku kala aragti duwaan doonaan arrintan
By: Mustafe Maxamed C/laahi (Faro)
Hubaal Media Network