HUBAAL Ka AKHRISO: War-murtiyeed Ku Suntan Caqabadaha Soo Waajahay Diiwaangelinta Oo Dawladda Ingiriisku U Kala Dirtay Komishanka Doorashooyinka Somaliland, Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Iyo Wasiirro Xukuumadda Ka Tirsan
HUBAAL Ka AKHRISO: War-murtiyeed Ku Suntan Caqabadaha Soo Waajahay Diiwaangelinta Oo Dawladda Ingiriisku U Kala Dirtay Komishanka Doorashooyinka Somaliland, Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Iyo Wasiirro Xukuumadda Ka Tirsan
Hargeysa (Hubaal)- Safiirka wadanka Ingiriiska u fadhiya Magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kiiniya ayaa War Murtiyeed qoraal ah oo uu ku socodsiiyey Madaxda Somaliland kaga hadlay caqabadaha hor yaalla labada diiwaangelinood ee qorshahoodu ahaa in Somaliland laga qabto, iyo sida looga wada tashan karo xalkooda.
Safiirka UK u fadhiya Kenya Mr. Neil Wigan oo Qoraal uu 9-kii bishan September kasoo saaray xafiiskiisa ku socodsiiyey Guddoomiyeha Komishanka Doorashooyinka Somaliland, Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland iyo Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada iyo Arrimaha gudaha Somaliland waxa uu ku soo bandhigay heshiisyadii geedi socodka ahaa ee La kala saxeexday.
Warqadaasna waxyaabah uu kaga hadlay waxaa ka mid ahaa
25-kii ilaa 26-kii bishii August ee sanadkan waxa ay DSC iyo dhinacyada ay doorashadu khusayso ku heshiiyeen sidan soo socota:
-Waxa jiray heshiis u dhexeeyay guddiga doorashada Somaliland, Axsaabta siyaasadda iyo Madaxtooyada, waxaana lagu heshiiyey is barbar socodka diiwaangelinta Madaniga ha iyo diiwaangelinta cod bixiyeyaasha.
-Marka la eego arrintan diiwaangelinta Madaniga ah caqabad kuma ah diiwaangelinta codbixiyeyaasha, waxaanay guddida doorashooyinku samayn doonaan falanqaynta sharciga ah iyo soo jeedintooda, waxaana xeerka dib loo eegay lagu celin doonaa aqalka Madaxtooyada.
-Madaxweyne Siilaanyo ayaa intaa ka dib bilaabi doona in labada hawloodba laga hadlo
-Intaas ka dib waxaa la samayn doonaa qorshe cad oo xagga doorashada ah.
Haddaba halkan ka akhriso warqadda uu Safiirku soo si diray oo Luuqada Ingiriisida ku xardhan.