GUJI QORAALKAN SI AAD UGA BOGATO Waraysigan Uu Raysal Wasaarruhu Siiyey Wakaaladda Wararka ee Loo Yaqaan Anadolu
Addis-ababa (Hubaal):- Dawladda Itoobiya,ayaa ka hadashay dhimashada hoggaamiyihii kooxda Al-Shabaab oo bishan bilawgeedii lagu dilay duqayn dhanka cirka ah oo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalka Maraykanku ay ka geysteen koonfurta Soomaaliya.
Raysal-wasaaraha dalka Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dhimashadii hoggaamiyaha Al-shabaab, Axmed Cabdi Ow-Maxamuud Godane, isagoo sheegay in taasi ay tahay guul Soomaaliya iyo gobolka oo dhan u soo hoyatay.
Desalegn oo wareysi siinayay wakaaladda wararka ee Anadolu ayaa waxaa la weydiiyay su’aal ahayd; waxay Soomaaliya iyo gobolka oo dhan uga dhigan tahay geerida Axmed Godane, isagoo ku jawaabay.
“Waxaan u dareemayaa in argagaxisadu ay tahay dhibaato caalami ah, sidaa daraadeed dhismashada hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Godane waxay uga dhigan tahay Somalia iyo weliba dalalka dariska la ah guul weyn.”
Sidoo kale, wuxuu sheegay in Godane uu ahaa mid xasillooni-darro iyo dhibaato ku hayay shacabka Soomaaliyeed iyo weliba dalalka gobolka, sidaa darteed waxaa hadda jirta fursad ah in Somalia nabad iyo xasillooni laga abuuro, si dalalka gobolka ay u helaan deggenaasho. Waxaana diyaar u nahay in aan gacan ka geysanno dib u soo celinta Soomaaliya oo sidaan ka xooggan.
“Ugu horreyn shacabka Soomaaliyeed, kuwa gobolka iyo weliba calaamka oo dhan waxay geerida hoggaamiyihii Shabaab u arkaan inay tahay guul weyn oo dhamaan u soo hoyatay,” ayuu Hailemariam hadalkiisa ku daray.
Mar la weydiiyay laba su’aalood oo ahaa; Tan ma loo arki karaa inay horseedayso inuu soo afjarmo jirtaanka Al-shabaab? Sideese ugu kalsoon tahay inay Somalia noqoto dal lugihiisa ku istaaga. Wuxuuna ku jawaabay.
“Ugu horreyn geerida Axmed Godane waxay muujinaysaa billowgii baaba’a Al-shabaab iyo in ururkan uu noqodo mid liita awood ahaan. Waxayna tani fursad u siinaysaa shacabka Soomaaliyeed inay Al-shabaab iska xoreeyaan.”
Raysal- waasaraha Itoobiya ayaa sidoo kale sheegay in Al-shabaab ay dadka Soomaaliyeed ku qasbeen inay xukunkooda hoos-joogaan, marka tani waa mid fursad u siinaysa shacabka Soomaaliyeed inay ka hoos-baxaan xukunka Al-shabaab.
“Dhanka kale, waxaan u arkaa in wixii hadda ka dambeeya inay hay’adaha Soomaaliya si wanaagsan u shaqeeyaan, waayo dalku wuxuu isku diyaarinayaa in doorasho ay ka dhacdo sannadka 2016-ka, si ay shacabku u soo doortaan mas’uulkii hoggaamin lahaa,” ayuu hadalkiisa ku daray.