“Markii Uu Madaxweynuhu Hadalka Qaatay Waxa Uu Ku Hal-qabsaday [Waran-cadde], Balse Ninka Shaydaan Qaato Beentana Sheegayaa Xaqiiqada Uma Baahdo Ee Wuxuu Yidhaahdaa Wixii Uu Doono”
“Dee kuwa siyaasada ku saaqiday ee Qabyaalad Wax Aan Ahayn Garanayn Ayaa Shaqo Ka Dhigtay Xirsi Madaxweynaha ayay isku reer-yihiin…Anigu Raysal-Wasaare Ma Ihi, Madaxweynuhuna Iima Magacaabin..”
Hargeysa (Hubaal)-Wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa markii u horeysay jawaab ka bixiyay hadallo la xidhiidha inuu yahay Ra’iisal wasaare [wasiirka wasiirrada] idman oo madaxweynuhu sameystay.
Warkan oo aanu ka soo xiganay qoraal uu Wasiir Xirsi ku daabacay barta uu ku leeyahay degelka wararka ee Guusha.com, waxa uu axsaabta mucaaridka ah ku tilmaamay kuwo jihadii ka luntay oo jaha-wareersan, sidaasi darteedna siyaasaddii la gashay in si khaldan ay ummada ugu turjumeen hadalladii Madaxweynaha.
Wasiirka Oo qormadiisan Cinwaan uga dhigay “Anigu Raysal-Wasaare Ma Ihi, Madaxweynuhuna Iima Magacaabin Sharcigana Kuma Jirto” waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Haddii Qoladii mucaaradka ahayd jahadii ka luntay oo ay waayeen wax ay dadka u sheegaan waxaan leeyahay siyaasad noqon mayso hebal baa caynkaa yidhi iyo hadalka madaxweynaha turjumaada khaldan aad ka samaysaan.”
“Waxay ahayd madashii loo dhammaa ee lagu marti qaaday Maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka waxaanu ahayn 4 xubnood oo wasiirro ah, waxaana dhinaca Madaxweynaha noogu xigay Cali Warancade hadalkana isagaa noogu horeeyey, markii uu madaxweynuhu qaatay hadalka wuxuu ku hadal qabsaday Waran-cade oo yidhi “Sidaa Wasiirku yidhi, kadibna raaciyey wasaarradu isagoo uga gol leh in laba Wasiir goobta ka hadleen. Balse ninka shaydaan qaato beentana sheegayaa xaqiiqada uma baahdo ee wuxuu yidhaahdaa wixii uu doono,”ayuu yidhi Wasiirku. Waxaanu intaa ku daray “Haddii aanad Xishoonayn waxaad doontaba samee” Waxaa muuqata in hadalkii inta laga dhex-saaray intii isku xidhaysay in laga dhigay Been cad oo odhanaysa “Wasiirka Wasiirrada” Bal waxaad eegtaa waxaa meesha Fadhiyey Afar Wasiir ee maxaa Xirsi Gaar u tilmaamay? Dee kuwa siyaasada ku saaqiday ee aan garnayn wax aan qabyaalad ahayn, ayaa shaqo ka dhigtay Xirsi Madaxweynaha ayay isku reer-yihin iyo wax aan macno weyn lahayn”.
Wasiir Xirsi waxa uu mucaaridka ugu baaqay in dalku doorasho geliyo oo ay la tartamayaan xukuumadda, waxaanu yidhi “Gabagabadii waxaan leeyahay Axsaabta Mucaaradka: Aynu ku tartano wax-qabad dalkuna doorasho ayuu galayaa ee u soo diyaar garooba hana carqaladaynina.Wa Bilaahi Tawfiiq.”