HUBAAL Ka AKHRISO: Wasiirka Khaarijiga Somaliland  Oo Aanu Ka Waraysanay Arrimo Ay Ka Mid yihiin Shirkad Ay U Kireysteen La Talin Iyo Wada-Hadal U Socda Ballore

0
27

“Somaliland oo damacsan inay hirgaliso sidiii loo samayn lahaa Tareen…Si aanay niman naga xariifsani qalinka noogu xadin  ayaanu u kiraysanay….”Wasiir Biixi

“Taas maanu ogoyn  mana dhici karto taasi , waayo ilaaqaad fiican ayeynu leenahay oo xaggeena si fiican baanu ula shaqaynay…”

Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay inay kiraysteen shirkadda kala talisa sida ay u doonayaan in loo maal-galiyo dekadda Berbera, isla markaana aqoon u leh arrimaha Dekaddaha.

Wasiir Biixi ayaa xusay inay shirkadan oo khibradd u leh arrimaha Dekadda u ban-dhigeen sida ay wax u rabaan, isla markaana ay doonayaan inay heshiish la galaan shirkadda maamusha Dekadaha  caalamiga ah ee Ballore, taas oo qiimeyn doonta qaabka Somaliland u rabto inay uga faa’iidaysato dekadeedda, isla markaana u noqon lahayd dekadda Caalami ah.

140717170346_biixiSidoo kale, wasiirku waxa uu sheegay in maal galintu aanay kaliya ahayn dekadda ee ay ku dhex jiraan mashaariic kale oo balaadhan oo ay ka mid tahay sidiii loo dhisi lahaa waddo isku xidhaysa Berbera iyo Itoobiya iyo sidiii waddo Tareen oo iskaga guduba Somaliland iyo Itoobiya loo hirgalin lahaa.

Wasiirku waxa uu sidaas ku sheegay waraysi uu khadka Telefoonka kula yeeshay wargeyska Saxafi, waxaanu waraysigaasi u dhacay sidan:

S:Ugu horeyn waxaad nooga warantaa Shirkadda Ballore ee maamusha Dekadaha ee doonaysay inay maalgaliso dekada Berbera halka ay wax idiin marayaan iyo waxaad ku heshiiseen ?

 J: Waxay xiisaynayaa inay maalgaliyaan Dekada Berbera, anugana waxaanu qabsanay niman khuburo ah oo naga eegta  shaqadooda oo ay naga bixinayaan  Baanka Aduunka oo magacooda la yidhaa MTBS (shirkadda wakiil u noqon doonta shaqada shirkadda Ballore), waxayna degan yihiin magaaladda Rotterdam (Caasimadda 3aad ee Holland), maadama oo aanan doonayn in niman naga xariifsani qalinka nagu xadaan ayaanu u kiraysanay qoladdan iyagoo nagala shaqayn doonna sidda shirkaddan Bollore u shaqayn lahayd, waxaanu go’aansanay inay naga eegaan sida aanu wax u doonayno, marka qoladaasi markii hore qoladda Baanka Aduunka ayey lacagtu ka kala go’day imikay soo ogolaadeen inay hawsha sii wadaan, waxaanay la xidhiidheen shirkadda Blore (shirkadda maalgalinaysa dekadda Berbera) oo xidhiidh la leh dawladda Itoobiya oo iyaguna xiisaynaya maalgalinta dekadda,  waana meesha ay dekaddu u shaqayso , waxaana shirkadan noo dhexeynaysa noqonaysaa mid sida aanu wax u rabno iyo danahayaga u shaqaynaysa oo nala eegaysa heshiishka aanu kala qoronayno, isla markaana nala talinaysa, marka way is arkeen oo horana way isku arkeen waana shirkad anaga na matali karta, maadaama aanan aqoon fiican u lahayn dekadaha iyo shaqooyinkoodda, waana shirkadda aanu kiraysanay oo noo shaqayn doonta .

S:Idinku ma ku qanacdeen heshiiska ay doonayaan inay idin qabtaan shirkadda Bollore ee dekadaha maalgaliya?

J: Shirkadda Ballore in badan ayaanu is aragnay oo ay noo yimaadeen, waxaanay na soo tuseen dekadaha ay maamulaan ee ku yaalla  wadamadda Nayjeeriya,Kongo, iyo meelo badan ayey na geeyeen iyo dekadaha ay maamulaan, laakiin waa in aad loo qiimeeyaa oo wax inoo cuntama kula heshiinaa maadaama oo arrintani tahay mustaqbalkeenii.

S: Wasiir Mudaddii aad joogtay waxaad ku dooday inaad ku dadaalaysay inaad wadanka keentid maalgashiyo, ma jiraan shirkaddo kale oo aad heshiis la gasheen xaga maalgalinta ?

J:Hawlo badan ayaanu ku jirnaa, mashruucan Dekada iyo Ballore  waa mashruuc balaadhan oo aan ku eekeen uun dekadda oo qudha, waxa jira in jidka dheer ee Itoobiya iyo Dekadda isku xidhaya la hagaajiyo, Free Zone waa mashruuc kale oo dekadda loo samaynayo  iyo  In Tareen la sameeyo iskaga gudba Dekadda Berbera iyo Itoobiya iyo kuwo kale, waxaana imika la magacaabay guddi inagga iyo Itoobiya ah, guddida madaxweynuhu magacabay waxay ka kooban yihiin afar wasiir oo kala ah aniga, wasiirka Qorsheynta, wasiirka Ganacsiga iyo Arrimaha gudaha, waxaana shirkii labadda dawladood ka dhacay magaaladda Diridhaba oo ahaa guddi farsamo oo inaga labaatan qof inaga tageen,waxaanan Ra’isal wasaaraha kala hadalnay in shirkii wasiiradduna bilaabmo iyo sidii mashaariicda waaweyn ee inaga iyo Itoobiya inaga dhexeeya aynu uga wada shaqayn lahayn, waayo Itoobiya dantooda ayaa ku xidhan oo dekadda Berbera inay isticmaalaan fursad fiican ayey u tahay,  inta xageena soo xigtana in dekadeenu quudisaa ayey rabaan, oo qudhoodda ma rabaan in dekadda kaliya ku haleeyaan noloshoodda oo dhan, inaga qudhideena haddii aynaan degdeg u dhaqaajin waa fursad inaga lumaysa oo Jabuuti turtaba dhar bay maraysaa.

S:Wasiir waxaad ka warantaa xagii xuduuddaha oo dadku ka cabanayaan ma la furay wali ?

J:Ra’isal wasaaruhu (ka Itoobiya) waxuu yidhi amarkii waan bixyey , wasiirka Arriamha dibaddu waa la furayaa ayuu yidhi, markii ay ku noqdeen wasiirka Arrimaha guduhuna way kala hadleen oo waxay u sheegeen inay sida ugu dhakhsiyaha badan u furayaan xadka, waxayna ku lug leedahay xaga amniga, qaraxii Jabuuti ka dhacay kama badhma hawlaha ay u xidhan yihiin, marka waxaan rajaynayaa inay si deg deg ah inay u furan ilaa isniinta oo hadii uu furmi waayo wixi inala gudboon yeeli doonno.

S:Jabuuti Qudheedda dal ku galkeena laguma gali karo xidhiidh fiicana waynu leenahay ee maxa iyana jira waayo ganacsiga uun baa ka soo gudbaya ?

J:Passporkeena way aqbalaan oo horteena ayuu madaxweynuhu ku bixiyey waana lagu galaa ee intii Ciidda ayey yara xidheen iyagoo u baqanaya amnigoodda. Marka Xad inaga xidhani Jabuuti ma jiro.

S:Wasiir waxa jiray dad sitay Baasporka Somaliland inay ku gali kari waayeen, waxa kale oo aanu waraysanay gaadiidka u baxa oo noo sheegay in aan bassporkeena lagu gali Karin, laakiin ay Jabuuti ogoshahay Passporkii hore ee Akhtarka ahaa iyo kii dambe ee Soomaaliya?

J:Taas maanu ogoyn  mana dhici karto taasi , waayo ilaaqaad fiican ayeynu leenahay oo xaggeena si fiican baanu ula shaqaynay, dadkii dhibta u keenayna wax badan ayaanu kala qabanay,  ilaaqaad aan xad lahayn ayaanu la leenahay, marka  haddii ay jirto cid loo diiday in ay ku galaan passporkeena waanu la hadlaynaa qolooyinka Jabuuti ee amniga qaabilsan waana waydiin doonaa waayo iskuma aanu ogeyn.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here