HUBAAL KA AKHRISO: Xildhibaan Ka Tirsan Aqal Barlamaanka ee UKRAIN Oo Sida Qashinka Ay Dadkiisu Ku Dareen Gudaafad Xashiishta+SAWIR

0
42

Mudane ka tirsan barlamaanka dalka Ukraine ayaa dad cadhaysan oo ka mid ah shacabkii soo doortay, waxa ay ka qabteen mar uu marayay, meel ka baxsan xarunta barlamaanka dalkaas, kuwaas oo inta ay qaateen ku dhex tuuray mid ka mid ah haamaha qashinka lagu qubo.

Mudanahan oo lagu magacaabo, Vitaly Zhuravsky, ayaa markii taageerayaashiisi hore ku rideen haanta Gudaafada, ka dibna ay isugu soo baxeen iyaga oo ka dul qabsaday ciyaaro, isla markaana kala daalay sawiro.

In kasta oo boolisku u soo gurmaday oo halkaas dirqi lagaga qaaday, haddana waxa uu ku jiray in muddo ah, waxaana xafadihii ka ag dhawaa haanta qashinka ee lagu riday, ay dadku ka codsadeen inay qashinka ay ku daadiyaan isaga oo dhex yaala haanta.

Lagama dhegaysan wax hadal ah, waxaana ka dul qaylinayay dumarka oo ku cayaya erayo ay ku muujinayaan, inuu beenaale yahay isla markaana khiyaameeyay dadkii soo doortay.

0ac61854_r1Waxa kale oo jiray dad ku dhawaaqayay laaluush qaate weeyee qashinka ku dara, kuwaas oo ka cadhaysan mawqifka mudahan oo is bad badala, marbana dhinac raaca, dadka reer Ukraine ayaa lagu tilmaama, kuwo dhiig kulul oo aan deg deg uga diira wixii ay u arkaan inay ku xun yihiin dhaqankooda.

Mudanahan qashinka lagu daray ayaa hore uga tirsanaan jiray xisbigii uu hogaamin jiray madaxweynihii hore ee dalkaas, Viktor Yanukovych kaas oo dibad baxyo iyo kacdoon xilka lagaga tuuray, waxaanu ka soo jeeda bariga dalkaas oo kooxaha Ruushka taageersani ku xoog badan yihiin.

Dadka soo doortay Mudanahan ayaa ka cadhaysan sida deg deg ah ee uu mar kaliya ninkaasi u badalay, mawqifkiisi ulana saftay xisbiga cusub ee talada dalkaas haya, waxaanay u arkaan inuu laaluush qaate yahay, meelna kaga dhacay kalsoonidoodi.

Cadhada Mudanahaasi ay u qadeen dadkii soo doortay, kaliya kumay joogsan gudaafada iyo qashinka ay ku dareen, balse waxa jira liis dheer oo ay boqolaal ka mid ah taageerayaashiisu saxeexeen, kaas oo ay ku dalbanayaan in maamuus ka xayuubin lagu sameeyo, mar haddii dadkii soo doortay uu khiyaameeyay.

 Qalinka: Feysal Maxamed Xasan

Soo-saaraha Barnaamijka Mesallooyinka Xiisaha Leh ee Wargeyska SAxAFI

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here