HUBAAL KA AKHRISO: Xukuumadda Somaliland Oo Tijaabisay qalabkii lagu Maamuli lahaa Hawada Sare

0
36

War Saxaafadeed (Hubaal) wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka Somaliland ayaa waxa ay tijaabisay qalab cusub oo lagu maamulo hawada sidaasna waxay ku sheegtay warsaxaafadeed ay soo saartay oo dhignaa sidan

“ Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland oo in muddo ah ku hawlanayd u diyaar garowga sidii ay ula wareegi lahayd  una maamuli lahayd hawadeeda sare oo ay  hore gacanta ugu haysay Qaramada Midoobay, ayaa diyaar garowgaasi uu ku dhamaaday si guul ah.

IMG_8796

Wasaaradda Duulista waxay maanta tijaabisay qalabkii lagu maamuli  lahaa hawada sare, ee sidoo kale lagula xidhiidhi lahaa Diyaaraha adeegsanaya hawada Xagga sare iyo Xaga hoose ee Somaliland. Tijaabada qalbakaasina ayaa lagu guulaysatay gabo ahaanba.

Hawshani loogu diyaar garoobayo  maamulka hawada oo ay gacanta ku hayaan Khuburo ka tirsan Wasaaradda Duulista oo uu hogaaminayo Agaasimaha Waaxda duulista Eng. Saciid Mahdi Ileeye, ayaa si habsami leh u socota, iyada oo la diyaariyey dhamaan agabkii loo baahnaa.

IMG_8797

Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka waxay halkan ka caddanaysaa in Dawladda Somaliland ka go’an tahay inay maamulato hawadeeda awood buuxdana ay arintaasi u leedahay. Somaliland marnaba aqbalaynin in hawadeeda laga maamulo wadan shisheeye.

Ugu dambayn dawladda Somaliland waxay ka digaysaa halisaha ku iman kara daganaanshaha iyo badqabka Mushaaxida hawada sare hadii Qaramada Midoobay ay qaado talaabo aanay isla ogalayn  ama ku wada qanacsaneyn dhinacyada arinta maamulka hawadu ay wada khusayso (Stake holders)”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here