HUBAAL Ka AKhriy: Xog Uu Bixiyay Sarkaal Ka mid Ahaa Al-Qaacida Oo Isku Rogay Sirdoonka reer Galbeedka!.. (Qaybtii-1aad)

0
114

Nin sheegtay in uu horre uga mid ahaan jiray ururka Alqaaida iyo Ururdda jihaadiyiinta ee caalamka, magiciisana la yidhaahdo Ramsi, haatana isku badelay sarkaal la shaqeeya waddamada reer galbeedka iyo sirdoonka waddamada Carabta ayaa waxa uu majallada caalamiga ah Alhayat Waraysi dheer oo Taxane ah isaga oo jooga meel ka mid ah Yurub, London.
Taariikh kooban: Ninkani, Sannadii 1994 isagoo ah wiil yar oo aan da’diisu dhaafin 16 sannadood ayaa waxa uu bilaabay socdaalkii ugu horeeyay ee jihaad doonka ahaa. waxaana uu ka bilaabay Bosniya Walhersig, halkaas oo ay isku barteen markii ugu horaysay Khaalid Sh. Maxamed, caqligii qorsheeyay sida la sheego qaraxyaddii 11 Sept, 2001, haatana u xidhan Maraykanka.
Waraysigii uu siiyeeyay majallada Alhayat ee London ka soo baxda waxa uu u dhacay sidan soo socota:

Alhayat: Maxaad magac ahaan u sheegaysaa Majalladan marka aan kaa qaadayo warysigan mar haddii aad ii sheegtay in aanu Ramsi ahayn magacaagii saxda ahaa?

Ramsi: Arrimo ammaan awgeed maddoonayo in aan kugula hadalo magacaygii saxda ahaa, balse waxaan hadda isticmaalaa magaca Ramsi.
Alhayat: Oo maxaad si gaar ah ugu qaadatay magaca Ramsi?

Ramsi: Waa magac sare oo si wayn loo qaddariyo , tilmaamayana si fooyin wanwanaagsan, xittaa buuga aan dhawaan soo saari doono, kaas oo aan kaga hadlayo socdaalkaygii Alqaa’ida, waxaan ku soo saari doonaa magaca Ramsi.

Alhayat: Mudadii aad ku jirtay howlahan sirdoonka magacan ma isticmaali jirtay oo ma ahaa mid laguu yaqaanay ?

Ramsi: Haa magacan markii aan ku biirayay Alqa’ida iyo intii aan ku jiray howlaha sirdoonkaba waan isticmaali jiray. Laakiin, waxaa mararka qaarkood magacaygu isla bad badali jiray hadba sida ay shaqadaydu isku bedasho.

Alhayat: dawladda aad hadda sirdoonka u tahay ma waxaad sidataa Baasaboorkeeda?

Ramsi: haa, hadda waxaan sitaa in ka badan hal baasaboor, laakiin mudadii Afganistaan iyo Boosnia waxaan watay oo kali ah baasaboorka waddankayga, kaas oo aan dhigan jirnay guryo ammaan ah oo loogu talagalay in mujaahidiinta muhaajiriinta ah in ay dhigtaan ammaanooyinkooda maadaama aan inta badan aan ku noolayn dhul go’an oo buuro ah.

Alhayat: Ma nooga sheekayn kartaa sidii aad u soo bar baartay markii aad yarayd?

Ramsi: Waxaan ku soo barbaaray magaalo xeebeed ka mid ah magaalooyinka Carabta, waxaan ka soo jeeday ehel diineed, Aabahay waxa uu ahaa nin muqaawil ah “ganacsatada qandaraaslayda ah”, Hooyadayna waxa ay ahayd qof diineed oo guri joog ah. markii aan yaraa waxaan inta badan muhiimadda waxbarasho siin jiray dhanka shareecadda Islaamka iyo cilmiga diiniga ah barashadiisa.
Alhayat: Adigu marka hadda ma waxaad tahay nin diini ku dheehantahay, oo ay ka muuqato camal falkeedii?

Ramsi: haa, waan tukadaa salaada, waan soomaa, qur’aanka dusha ayaan ka xafidsanahay, waxyaalaha xaaraanta ah sida Khamriga, sinada iyo wixii la hal’maala waan ka dhowr sanahay, mana jecli afkaarta ragga liberaalka ah ee midda diinta ku salaysan ayaan jeclahay.

Alhayat: Sidee ayuu ku bilaamay dareenkaaga jihaadka caalamiga ah?

Unknown-man2Ramsi: Bilowgii sagaashamaadkii, ka dib dagaalkii Khaliijka iyo bilowgii heshiisyadii Israil iyo Falistiin ee Oslo waxa aad u kordhay dareenkayga ku xidhnaanta siyaasadda gobolka iyo midda caalamka guud ahaan, waxa aan aad ula socon jiray oo ku xidhnaa muxadarooyinka culimadda ay ka midka ahaayeen Salmaan Cowda iyo Safar Al Xawaasi, gaar ahaan khudbadihii Salmaan Alcooda ee«صناعة الموت وصناعة الحياة» “ Samaynta Geerida iyo midda nolosha”, iyo dagaaladii isirka iyo kuwa diineed ee markaas ka socday Bosnia iyo Serbia ee sida xun muslimiinta loogu gumaadi jiray halkaas, arintaasi saamaynta ay iiga tagtay awgeed sida qof kastoo muslim ah looga baahanyahay in uu u gargaaro walaalihiisa muslimiinta ah ee dhibaataysan ayaan waxaan ku biiray si mutadawacnimo ah hayaddii gargaarka Islaamka ee markaas taageerada islaamnimo gaadhsiin jirtay dadkii Bosniyiinta Muslimiinta ah, waxaan ka qayb galay socdaaladii deeq iyo cunno lagu gaadhsiin jiray halkaas. Intaas ka bacdi waxa aan iswaydiiyay in arinkaasi aanu ku filnayn in aan ku ekaado.

Wiil dhalinyaro ah oo markaas Bosnia isna si qarsoodi ah ugu safray si uu uga soo dagaalamo, gacana u siiyo muslimiintii Bosnia ee halkaas lagu gumaadayay ayaan waxaan ku kulanay Bosnia, waxa markaas da’daydu ahayd 16 sano, waxaana aan u sheegay in aan doonayo in aan ka qayb galo jihaadka. Waxa uu iigu jawaabay in dagaalku dhib badan yahay oo aanu ahayn waxa sahlan, aniguna aan ku yarahay in aan ka qayb qaato, waxa aan ugu jawaabay in aan anigu jihaadka u baahnahay, waxaanan u raaciyay in haddii aan annagu dagaalka jihaadka ka fadhiisano uu Alla dad kale oo howshaas qabta uu soo saari doono sida ku cad suuradda Muhammad. “وَإِن تَتَوَلَّوْا يَسْتَبْدِلْ قَوْماً غَيْرَكْ “ثُمَّ لا يَكُونُوا أَمْثَالَكُمْ

Alhayat: ma u sheegtay qoyskiina markii aad go’aansatay in aad Bosnia jihaad u tagi doonto?

Ramsi: May taas uma sheegin, waayo waxaan ogaa in ay ii diidi doonaan, waxaanse u sheegay markii aan waddanka ka dhoofay oo aan ku wargeliyay telefoon, walise aanan gaadhin gudaha waddanka Bosnia ee aan jidka ku sii jiray,

Alhayat: adi iyo saaxiibkaa miyaa israacdeen?

Ramsi: haa oo waxaan helnay fiisooyin galitaan oo dalka Kuruwaatiya ah, markaas dabadeed waxaan u jihaysanay Liyoobiyaana, caasimada waddanka Islofaaniya, halkaas oo aan laba cisho joognay, waxaan halkaas ku sii booqanay dad qaxooti Muslimiin reer Bosnia ah oo xero qexooti ku jiray, waxaanan uga sii gudubnay magaalada Sibliita ee Korwaatiya taas oo ahayd meeshii noogu dhawayd in aan ka gali karno Bosnia, waxaan ku degnay hotel la yidhraahdo “Biyotiin” kaas oo aan ka sii helnay 12 mujaahidiin carbeed oo halkaas iyana markaas joogay, gelitaanka xudduudka Bosnia, markaas waxaa naga xigay safar 45 daqiiqo ah oo bas lagu galo, laakiin arrinta oo markaas adkayd awgeed waxaan isku qayb qaybinay….

La soco
Waxaa turjumay Ileysnews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here