“Waxa Loo Baahan Yahay In Xukuumad Iyo Xisbi Ahaanba Aynnu U Wada Shaqaynno Si Niyad-Sami ah. Waxaannu Ku Wada Heshiinnay Go’aamadii….Waxa Loo Baahan Yahay In Xukuumad Iyo Xisbi Ahaanba Aynnu U Wada Shaqaynno Si Niyad-Sami Ah.”–Madaxweynaha Somaliland
Hargeysa (Hubaal)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii ugu horreysay golaha wasiirrada xukuumaddiisa oo isku dhan amar ku siiyey inay si wadajir ah ula shaqeeyaan Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo beryahan dambe khilaaf daba dheeraaday kala irdheeyey.
Madaxweyne Siilaanyo oo hadal ka jeediyey shirkii toddobaadlaha ahaa golahiisa wasiirrada ee Khamiistii shalay oo lagu martiqaaday Guddoomiyaha KULMIYE, waxa uu ku sheegay inay isaga iyo Muuse Biixi ka heshiiyeen khilaafkii soo noqnoqday ee u dhexeeyey, waqtiganna baahi weyn loo qabo in xukuumadda iyo xisbul-xaakimku isku duubnaadaan, meelna uga soo wada jeestaan danta qaranka, sidaa awgeedna lagama maarmaan tahay in wasiirradiisu hoggaanka xisbiga kala shaqeeyaan fulinta iyo soo noolaynta xidhiidhkii wada-shaqayneed ee labada dhinac oo aan sannadkii u dambeeyey fiicnayn.
“Waxa loo baahan yahay in xukuumad iyo xisbi ahaanba aynnu u wada shaqaynno si niyad-sami ah. Waxaannu ku wada heshiinnay [Madaxweynaha iyo Muuse Biixi] go’aamadii Guurtidu ka soo saartay khilaafkii xisbiga KULMIYE.
Ugu dambeyn, waxaan u baahannahay inaynnu midnimo, isku duubni iyo isku tiirsanaan ku wada shaqaynno xisbi ahaan iyo xukuumad ahaanba,” ayuu yidhi Madaxweyne kiisa bidix fadhiyey. Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo Madaxweynaha kadib halkaas ka hadlay, ayaa uga mahad-celiyey Madaxweyne Siilaanyo shirka golaha wasiirrada ee uu ku casuumay, waxaannu dhankiisa caddeeyey inuu dhammaaday khilaafkii u dhexeeyey xukuumadda iyo hoggaanka xisbigiisa.
Geesta kale, waxa uu xubnaha golaha wasiirrada ku cannaantay inay dhammaantood ka raaceen Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo uu kula loollamay murrashaxnimada jagada Madaxweynaha xisbiga KULMIYE dhexdiisa uga qaybgalaya doorashada madaxtooyada ee soo socota, taasina sababtay in lagaga adkaado oo uu hankiisii murrashaxnimo ka tanaasulo.
“Farriinta aan idiin hayaa waa intaa Madaxweynuhu idiin sheegay. xisbigan waxa soo maray loollan siyaasaddeed, waa caadi oo xisbiyadu way loollamaan dhexdooda, marka la loollamana waxaa ka dhasha xajiin, xanaf baa ka dhalata, waxana loo baahan yahay inaynnu xisbigii ka saaro xajiintii, la isla doonto oo nin waliba dib-u-heshiisiin galo,” ayuu yidhi Muuse Biixi oo hadalkiisa garnaqsiga ah aad uga qosliyey wasiirrada madasha fadhiyey oo tiradoodu ku dhoweyd konton xubnood.
Waa markii u horreysay ee Madaweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ooh ore u ahaa saaxiibbo damacyadooda is-jiidhay beryahan dambe kala fogeeyeen ay madal golaha wasiirradu ku dhan yihiin iskula qaataan in wadajir looga wada shaqeeyo soo celinta xidhiidhkii kala furtay ee wada-shaqaynta xukuumadda iyo hoggaanka xisbigeeda oo khilaafyo gaamuray kala irdheeyeen.