HUBAAL KA Daalaco: Boqor Buur-madow Oo Waraysi Uu Wargeyska Somaliland-today Siiyey Meel Kaga Dhacay Nasabada iyo Nolosha Muj. Cali Gurey  

0
66

 

“Cali Gurey, Waa Nin Ku Soo Barbaarey Dhaqan Xun Oo Hargeysa Looga Yaqaaney MAS DIL, Markaa Maaha Nin Laga Sugayo Inuu Xishoodo”. Boqor Buur-madow 

“Kalmadda Rag Badan  Oo Hadlayay Ka Xanaanjisay Waxay Ahayd Jamaal Cali Xuseen Dalka Jiidh Uguma Yaallom Anaa Idhi Waayo Iyadoo Mayd Yaalo Tolka Iskumu Direen Isagoo Raba Inuu Madax Inoo Noqdo” Boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-Madow) – Wareysi

Hargeysa (Somalilandtoday) – Boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-Madow), oo ka mid ah Madax-dhaqameedka reer Somaliland, ayaa ka jawaabay hadallo aflagaado ahaa oo kaga yimid Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee xisbiga UCID, Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey).

Boqor Buur-Madow, waxa kale oo uu ka hadlay safar dareen dhaliyey oo dhawaan hoggaanka dhaqanka beesha galbeedka Burco ku tageen Magaalada Borama, waxaanu sheegay inaanu isagu ujeeddada safarkaasi u arkaynin dhibaato, hasa-yeeshee hoggaannada dhaqanka ee Habar-yoonis iyo Samaroon ay ka wada haleen arrimo khuseeya qaranka.

Boqor Cismaan, oo xalay u waramay Wargeyska Somalilandtoday, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya diwaangelinta Madaniga ah ee bilaabantay ayaa yidhi “Waan soo dhaweynayaa diwaangelinta, waayo inaynu is diwaangelinno ayaynu dadka kaga duwanaaneynaa, amnigeenuna wuxuu ku sugmayaa inaynu naqaanno tirada dadkeenna. Heshiiska xukuumadda iyo xisbiyadu ka gaadheenna waan soo dhaweynayaa, markii horena waan qabay in aanay is dabrin oo ay kala madax-banaanaadaan diwaangelinta (Jinsiyadaha) iyo diwaagelinta cod-bixiyayaasha, waanan hambalyeynayaa, waayo waa tallaabo xukuumadda iyo Mucaaridkuba ku dhiiradeen”

buurmadowBoqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-Madow) waxa kale oo uu ka hadlay eedaymo iyo aflagaado Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee xisbiga UCID u jeediyay, waxaanu yidhi “Cali Gurey, maaha nin aanu is naqaanno, nin aanu sheekaysano maaha, manaan jeclayn inaan u jawaabo, waayo waan la yaabay markuu yidhi sheeko ayaa na dhex martay (Buur-Madow) ee uu hadallo badan oo been abuur ah oo wax laga xishoodo ah (Warbaahinta geliyey)… Anigu waxba kamaan sheegin UCID, waayo xisbi aanu Madaxdiisa saaxiib nahay oo aanu isku wanaagsannahay weeye, weliba Faysal Cali Waraabe waa nin dalkan u soo halgamay, xisbiguna meel walba sumcad-buu ku leeyahay, laakiin anigu waxaan ka hadlay Musharaxa Madaxwaynaha UCID inuu masiibadii ka dhacday Qori-lugud ee cid walba ka xumaatay ka faa’ideystay oo iyada oo dhiiggii yaallo uu yidhi beel-baa tashatay oo talo ku dishay (Saraakiishii Ciidanka qaranka) oo ambo-bixisay (Gacan ku dhiiglihii), taasi oo uu uga jeeday (Jamaal Cali Xuseen) in beesha kalena aar-goosi deg-deg ah ku dhaqaaqdo, taasi oo aan u arkayey inuu ka dhex bilaamayey (Dhiig kale), markaa kalmaddaa qudha ayuu ka gubtay (Cali Gurey), markaa ninka Madaxwayne-nimo u taagan dalkan ee (hadalkaa yidhi) wuxuu ugu talo-galay in aar-goosi dhaco oo ciidamada qaranku kala shakiyaan oo halkaa Jamguuriyaddu ku burburto ayuu ahaa hadalka (Jamaal) hadalka noocaasi ahna shacabka reer Somaliland-baa tarjumaad ka bixinaya, markaa kalmadda kaliya ee aan idhi, imikana aan leeyahay waxa weeyaan in ninkaasi sidaa u hadlayaa aanu ahayn nin dadkan iyo dalkan uu jiidh ugu yaallo. Wax dhib ah iyo aflagaado kalena maan odhanin”

Cismaan Buur-Madow oo arrintaasi ka sii hadlaya ayaa yidhi “Markaa Hadalka Cali Gurey, waxaan u arkaa xishood la’aantiisii hore uun, waayo waa nin dhaqan xun kaga soo barbaarey Fankinka (Xaafaddii La odhan jiray Fankinka Hargeysa). Hanjabaadahan uu bixinayo ee uu leeyahay waxbaan shaabuugeynayaana iyo cidbaa cid kale u warantana, anigu Ingiriisna Basaas umaan noqonin, dhul kalena kama noqon, dhul basaasnimada laga yaqaannana kumaan soo korin, Somaliland-na way is taqaanaa cidda u shaqeyn jirtay (u basaasi jirtay) iyo ciddii aan u shaqeyn jirinba, markaa ninkaasi maaha nin ku hadla hadal miyir qaba, waxaa uu ka hadlayana maaha wax aan dan ka leeyahay, waxaanu ku soo barbaarey shaqo xun oo berigaa Hargeysa looga yaqaaney MAS DIL, markaa maaha nin laga sugayo inuu cidna ixtiraamo ama ka xishood”

Boqor Cismaan, waxa kale oo uu ka hadlay safar hoggaanka dhaqanka Habar-yoonis ku tageen Borama “Guddoomiyaha (Hoggaamiyaha dhaqanka Habar-yoonis) iyo raggii kale ee la socday wax dhibaato oo ay wadeen aniga iima muuqan haddey taageero u doonaan xisbi iyo hadday taageero u doonaan Cabdiraxmaan Cirro, wax dhibaato ah oo laga sasana uma arko. Odayaashii halkaa tageyna inay si wanaagsan u wada hadleen oo si qarannimo leh oo nabadgalyada iyo wax walba ku jiraan ay u wada hadleen, odayaashii ka soo noqdeyna waan wareystay, Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani iyo rag kaleba waanu is wareysannay, waanan la kaftamay oo waxaan idhi xisbiga waalla laga wada tirsan yahaye inaanu idiin raacno ayay ahayd, inaad beel gaar ah ku tagtaan may ahayn, raggaasina maaha rag xumaani ka suurtowdo, ragga ay u tageenna rag xumaan laga filayo maaha”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here