Boorama (Hubaal) Shirar beryahan dambe u socday dhalinyarada Somaliland oo lagu lafo gurayay baahiyaha iyo caqabadaha ragaadiyay dhalinyarada Somaliland ayaa lagu qabtay Huteel Hal-door ee magaaladda Boorama.
Shirkan iyo shirar kale oo gaar-gaar ah oo mudooyinkii u dambeeyay ka kala dhacay gobolada Bariga iyo Galbeedka Somaliland sida, gobolada Togdheer, Saaxil,Sanaag, Awadal iyo Maroodi-jeex ayaa guud ahaan ujeedadoodu ahayd sidii loo midayn lahaa islamarkaana meel looga soo wada jeesan lahaa,saamayna dhalinyaradu ugu yeelan lahayd guud ahaa siyaasadaha ka socda dalka,islamarkaana ay uga qeyb geli lahaayeen una jaan goyn lahaayeen siyaasada,maadaama oo ay dhalinyaradu tahay inta ugu badan bulshada Somaliland.
Dhalinyaradan mudooyinkan dambe ay shirarku u socdeen oo kala ah ururka Jiidali,Gurmad,Daallo iyo kuwo kale oo aan magacooda la xusin ayaa dhammaantood isku raacay,iskuna qanciyay in dhalinyarada Somaliland ay gaadhay ama u bislaatay xiligii ay samaysan lahaayeen dalad-siyaasadeed guud oo ay ku bahoobaan,islamarkaana isla meel dhigay saami qeybsiga dalada iyo Gobol kastaana inta uu ka helayo.
Shirarkaas goo-gooska ah kadib waxa ay dhalinyaradaasi soo saartay heshiish ay u dhan yihiin,oo ay kala sexeexdeen,kuna faaf-faayiyeen sababta wakhti xaadirkan keentay inay unkaan dalad-suyaasadeedkan ay ku bahoobeen dhalinyaradda Somaliland, heshiiskan oo faahfaahsanina waxa uu u dhignaa sidan: