Hargeysa (Hubaal) Wariye Cabdimaalik Coldoon oo ay xukuumadda Somaliland Xabiga u taxaabtay bishii February ee sanadkan kadib markii uu kasoo laabtay safar uu ku tegay magaaladda Muqdisho ee Soomaaliya, waxaana ciidanka boolisku ka qabteen madaarka Cigaal Internation ee Hargeysa oo kasoo degay wakhtigaasi.
Haddaba muddo shan Bilood ah oo uu xabsiga ku qaatay wariye Cabdimaalik Coldoon kadib ayaa maanta xabsiga laga sii daayay kadib markii madaxweynaha Somaliland uu u fidiyay cafis isaga.
Markii uu bannaanka usoo baxay Mr. Coldoon waxa uu warbaahinta uga waramay dareenkiisa cafiska lagu soo daayay, iyo xadhigiisa intii uu xabsiga ku jiray ee DAAWASHO WACAN.