Hargeysa (Hubaal) Dawlada Jabuuti ayaa waxa ay markii ugu horeysay ka hadashey saldhiga Military ee dawlada imaraadka Carabta laga siiyey magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
Waxaana ay dawlada Jabuuti xukuumada Somaliland uga digtay saldhigaasi Milateri iyada oo dhanka kalena soo bandhigtey dhibaatooyin ay saldhigaasi ka dhaxli karto Somaliland,isaga oo tusaale u soo qaatey haddii ay dhibaatooyin ay geystaan ciidamadaasi in aanay jirin safaarad imaaradku leeyahay oo Somaliland ku taala oo looga ashkatooto
Dr. Ismaciil Waceys oo ah La taliyaha arimaha dhaqalaaha ee madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geele oo isagu arintani ka hadley waxaa uu ugu baaqay Somaliland inay hadda ka fakaraan saldhigaaasi Milateri ayna ka noqdaan inta aanay ciidamadu soo dagin dalka oo aanay dib uga qoomamayn saldhigaasi Milateri.
Dhinca kale waxaa uu sarkaalkan ka tirsan xafiiska madaxweyne Geele uu banaanka soo dhigay faa’iidooyinka ay dawlada Jabuuti ka hesho saldhigyada dalkeeda ay ka siisay dawlada caalamka iyo qaabka ay u siisay.