HUBAAL KA DAAWO: Fanaanniinta Xiddigaha GEESKA Oo Heesahoodii Laga Xarrimay TV-ga Qaranka

0
37

Hargaysa (Hubaal) – Kooxda Fanaaniinta ah ee Xiddigaha Geeska ayaa guud ahaanba tvga qaranka SLNTV laga joojiyey heesahoodii taasi oo ugu horeynba bandhig Faneedkii fanaaniinta Jabuuti ay hargeysa ka dhigaysey oo uu Fanaanka Maxamed Siciid BK ku jiray Xayeysiis ay diideen Agaasimaha guud ee warfaafinta iyo Maareeyaha tv-ga Qaranka Somalind taasi oo aan lagaraneyn sababta ay ucuskadeen .
Dhanka kalena Sida Laga War-qabo sanad kasta oo xaflad qaran la qabanayo waxa dawladu u qorshaysaa kharash hawleed xafladaa loogu talo-galo sanadka xuskii xaflada june ayaa madaxtooyada somaliland waxa lagu qabtay xaflad aad u qurxbadan xafladaa waxa ka heesayay sadex kooxood oo fanaaniin ah waxaanay kala ahaayeen
01- fanaaniinta Qaranka
02 fanaaniinta qurba jooga ah- waxaana ka mid ahaa cadi qaboojiya, halwad, naasir cunjuf oo Madax-waynaha ay isku jilib hoose sadexdaba yihiin isla markaana dibada laga soo casuumay oo ay ku baxday lacag dhan 150,000 boqol iyo konton kun oo dollar ,

Waxaa Kale oo xafladaa joogay Kooxda Xidigaha geeska oo si wayn heesahooda Loola dhacay madaxwaynuhuna u mahad Celiyay-

Xidigaha geeskaHadaba kharashkii fanaaniinta loogu tala galay waxa islamarkiiba dawladu siisay Kooxda fanaaniinta qaranka iyo kuwa Qurba jooga ah balse kooxda Xidigaha geeska wax kharash ah lama siin ilaa hadana lama yaqaan wax looga haysto-
si aan arintaa wax uga ogaano ayaan Fanaan ka tirsan kooxda xidigaha geeska wax ka waydiinay wuxuuna si fudud u yidhi- walaal anaka lacagtii xaflada june nalama siin laakiin kooxihii kale xaflada ka horba waa la siiyay- si aan arintaa u xaqiijino ayaan la xidhiidhnay labadii kooxood ee kale waxaanay noo sheegeen inay qaateeen
hadaba su,aasha is waydiinta lihi maxay tahay fanaaniinta xidigaha geeska maxaa looga haystaa lacagtoodii ilayn kuwa kaleba waata la siiyee?
Cukuse55kooxda xidigaha geeska ma aha shaqaale dawladeed marka 30ka qof ee kooxda laga reebo laba qof oo kaliya oo mushaharkii dhawaan cukuse ka jaray qaranka waxay ugu heesayeen wadaninimo
hadaba lacagtii kooxda xidigaha geesaka waxa Lunsaday Agaasimaha guud ee warfaafinta iyo Mr Ilkacase iyo Maareeyaha tv-ga oo labaduba musuq maasuq ku caan baxay?
waxaanan soo bandhigi doonaa lacago farabadan oo ay lunsadeen oo kale oo aan soo gaadhin cidii lahayd balse banka somaliland ka soo dhamaatay oo agaasimaha guud iyo maareeyaha tv-gu lunsadeen cadaymo faahfaana aan hayno.

Waxaa Sidoo kale layaable in wasiir cakuse iyo Agaasimaha guud ee warfaafintu ay koox Fanaaniin ah ka soo kireysteen dalka Ethopia gaar ahaan Kililka Shanaad taasi oo ay Dilaal inay ka helaan ugu talogaleen waana sabta ay u eedaynayaan kooxdan oo aan abid Soomarin Mudo laga joogo 22 sano .

HALKAN KA AKHRI: Warkan Oo Faahfaahsan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here