Bill Gate ayaa qudbadan uu ka jeediyey shirweynaha caalamiga ee SIBOS waxaa uu tusaale u soo qaatay Shirkaddaha Isgaadhsiinta ee ka shaqeeya adeega lacag dirida Mobayladda. Tusaalaaha koowaad waxa uu ku soo qaatay laba shirkadadood oo laga hirgaliyey Bangaladesh kuwaasi oo uu ku tilmaamay in 5 sano ka hor ay go’aansadeen in ay dalkaasi ka hirgaliyaan adeega Xawilaada Lacagta Mobaylada, taasoo uu sheegay in Bangadesh ay dad aad u yari leeyihiin xisaabaadka Bangiyadda, balse dadka intooda badani ay isticmaalaan moobaylo, sidaasi daraadeed adeega lacag dirida mobaylka waxay ka bilaabay dalkaasi 2011, waxaana hadda adeegaasi isticmaala in ka badan 13 milyan oo macmiil ah. Bill Gate ayaa sheegay in dadki ay lacagaha isku xawilaan mobayladooda, alaabooyinka ay kaga iibsadaan tukaanadda iyo waxyaalaha kale. Bill Gate ayaa intaasi ku daray in boqolkiiba toban (10%) GDP Bangaladesh in bishiiba in ka badan 1 bilyan oo Dollar uu ka dhex dhaco lacagaha la iskugu diro mobaylka.
Bill Gate ayaa tusaalaha Labaad u soo qaatay Shirkadda Telesom sida ay uga hirgalisya dalka adeega ZAAD, waxaanu qubadadiisan ku sheegay in muddo saddex sano ah dadka laga dhaadhicinaayey sidii ay u aqbali lahayeen isticmaalka adeega Lacag Diridda Mobaylka (ZAAD), waxa uu sheegay waxyaalaha keenay in adeegani horumarin habka lacagta ay dadku isugu diraan ee ka magaalada joogaa uu ka miiga jooga ugu diri karo. Bill Gate isagoo ka hadlaya sida shirkadda Telesom uga hirgalisay Somaliland adeega Lacag Dirid ayaa yidhi, “Waxaan la yaabay in aan arko meel sida Somaliland lacagt meesha ka baxdo waxaan taasi keenay in dadku ay akoonwanadoda Electaroonig ah bishiiba ku shubtaan lacagahooda. Shirkadda Iskaadhsiinta mobaylka Telesom Somaliland ee halkaasi sida aadka uga hawl gasha dadku waxay aad u isticmaalaan lacagta mobayilada la iskugu diro. Celcelis ahaan lacagta lagu diro mobayladu waxa ay ka badan tahay lacagta dadku isku diraan”.
HALKAN KA DAAWO
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA KALE