“Wasaaradaha Beeraha, Kalluumaysiga, Deegaanka, xannaanada xoolaha iyo Biyaha oo wasaaradihii wax soo saarka ahi waxa ay la miisaaniyad yihiin wasaaradda madaxtooyada……”Ex. wasiir Maxamed Xaashi
Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirkii ee maaliyadda Somaliland Md.Maxamed Xaashi, ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, waxana uu eedo u jeediyey hannaanka xukuumadda talada haysaa dalka u maamusho, isaga oo cambaarayntiisa si gaar ah diiradda ugu saaray madaxtooyada dalka looga arrimiyo.
Maxamed Xaaji Cilmi oo u warramay Telefishanka Hctv, ayaa waxa uu sheegay in hannaanka ay xukuumaddu wax u waddaa ka duwan yahay midkii saxda ahaa, waxana uu carrabka ku ballaadhiyey tirada golaha wasiirrada oo uu sheegay inaanay qaranka wax faa’iido ah u lahayn, balse ay kharash iyo culays badan ku hayaan.