Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa si rasmi ah ugu wareegay madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kusoo dhaweeyay madaxtooyada, halkaasi oo uu Farmaajo si rasmi ah howshiisa uga billaabi doono.
Waxaana munaasibadan ay kulak ala wareegayeen labada masuul badi goob joog ka ahaa warbaahinta.
Iyada oo xaflada rasmiga ah ee caleema saarka madaxweynuhu ay bishan 22-keeda ka dhici doonto magaalada muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u guuray hooy looga diyaariyay gudaha Muqdisho
Halkan Ka Daawo