Nuxurka Wedhihii Ay Munaasibada Kasoo Jeediyeen Horjooge Cali Khaliif Galaydh Iyo Madax-Dhaqameedka Buuhoodle
Hargeysa(Hubaal)-Waxa maanta ka dhacay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn munaasibad balaadhan oo lagu taageerayey wada hadalka u bilaabmay dawlada Somaliland iyo kooxda Khaatumo.
Munaasibadan oo ay kasoo xaadireen horjoogaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh,masuuliyiinta kooxda khaatumo iyo waliba madax-dhaqameedka iyo waxgaradka gobolka Buuhoodle ayaa waxa si wayn loogu taageeray wada hadalkaasi u bilaabmay dawlada Somaliland iyo kooxda Khaatumo.