Shirweynahan Dhalinyarada Garabka Kulmiye ayaa Maanta ayaa kusoo Gabagaboobey Guulo dhowra oo lataaban karo, Munaasibada shirkan oo socday laba maalmood, ayaa waxaa la isla qaatay doorka dhalinyarada Kulmiye iyo xisbiguba kaga jiraan iyadoo ay kasoo qaybgaleen xubno kasocday 14 Gobol iyo degmooyinka uu kakooban yahay wadanka somaliland, Qodobadii laisla qaatay iyo guulihii uu Xisbiga kulmiye Hantiyey, kuwass oo kala ahaa,
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Musse Biixi, Oo hadal kajeediyey Gabagabadii aya tilmaamay,Iney muhiimadu tahay In lahirgaliyo Ujeedooyinkii shirkan kasoobaxay, ay ugu horeyso ayuu yidhi gudoomiyuhu sidii qabyaalada (kala-qobqob naanta) looga Masixi lahaa dayarta wadanka usoo koreysa, iyo ilaalinta jiritaanka qaranka Somaliland, waxaa kaloo halkaa hadalo gunaanada kasoo jeediyey Madaxweyne kuxigeenka wadanka Somaliland oo isgunaha Kula dardaarmay dhalinyarada inay kawada sinaadaan hadal murtiyeedka astaanta u ah xisbiga kulmiye ee ( xumaha dhaafaha, wanaaga dhisaha waxii dhacayaba dhankiisa Hayaha) iyo in ladhiso Dad iyo Dal mida.
1) Sidii loogu Carbinlahaa Dhalinyarada Iney kasoo baxaan Hogaamiye yaal Hormuud Kanoqdo, Mustaqbalka Siyaasada wadanka iyo Habdhaqameedka xisbi siyaasiyeed ee Xisbiga Kulmiya uu wadanka Ugu Horseedayo horumar,
2) Sidii Dhalinyarada Loo Bari lahaa Siday Hogaamiye Fiican Ugu Doortaan Hogaanka Qaranimadooda
3) Ladagaalanka Qabyaalada(kala qob-qob, ) midnimada , iyo wadaniyada,
Xukun wanaaga,
3) Siyaasada wadanka iyo xisbiga (Kulmiye) iyo doorka ay ku leeyihiin Dhalinyaradu.
4) Dhaqaalaha,(shaqo abuurka), waxbarashada iyo Baaxada awooda ay dhalin yaradu kaga jirto.