Hargeysa (Hubaal) Kulan balaadhan ayaa ka dhacay qasriga madaxtooyada oo madaxweyne Siilaanyo Kula yeeshay labada gole iyo asxaabta qaranka Somaliland. Kul;ankan ayaa waxa lagaga arrinsanaayay xuduudaha ay leedahay Somaliland ayaa madaxweyne Siilaanyo waxa uu ku bilaabay hadalkiisa sidan:
ALXAMDULILAAHI RABIL CAALAMIIN
Maanta, kulanka aynu isugu nimi waxay ujeeddadiisa ugu weyni tahay in aynu mawqifkeena Qaran ahaan iyo Ummad ahaanba u caddayno Beesha Caalamka iyo Cid kasta oo Danaynaysa.
Waxa jirta in ay Somaliland hore u caddaysay mawqifkeeda ku aaddan nabad ku wada noolaanshaha iyo degenaanashaha mandaqadda oo aanu aaminsanahay in ay cid walba dani ugu jirto.
Waxaanuse kor iyo hoosba u sheegayna in ay qadiyadda Somaliland lama taabtaan tahay, dawlad, xisbiyo, Barlamaan iyo shacbiba in aanu heegan u nahay adkaynta nabadgelyada iyo sugidda Qaran-nimada Somaliland.
Wadamada aanu deriska nahay iyo beesha caalamka waxaanu jecelnahay in aanu nabad ku wada noolaano, mana ogolin farogelin dabadeed mid siyaasadeed iyo mid militari toona oo dhulkayaga iyo dalkayaga qadaf ku ah.
Shacbiga Somaliland waxan ugu baaqaya in ay u soo wada jeedaan oo ay u midoobaan difaaca dalka iyo adkaynta nabadgelyada Qaranka.