DAAWO SAwirrada Weftigan Oo Sidoo Kale La Kulmay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland
HUBAAL Ka DAAWO: Afada Madaxweyne Siilaanyo oo Madaxtooyada Ku Qaabishay Wefti Haween U Badan Oo Ka Socda Wadanka Norwey+Madaxweyne Ku xigeenka Oo Isna La Kulmay
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan CabdilaahI Ismaaciil Saylici waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada kula kulmay Wefti ka socda Dalka Norway kuwaasi oo ka koobnaa 12 ruux kana kala socda Ururada Bulshada iyo Macalimiinta Jaamacada Dalka norway oo dalka ku sugnaa saddex maalmood, kuwaasi oo u jeedada Safarkoodu ay la xidhiidho sidii ay u soo ogaan lahaayeen xaqiiqada Dhabta ah ee ka jirta Somaliland iyo farqiga u dhexeeya Somaliland iyo Somalia.
sidoo kale waxa weftiga ka socda dalka Norway oo haween u badnaa ay kulan la yeesheen Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Sheekh maxamed Jirde, iyada oo Marwadu uga mahadnaqday sida sharafta iyo qadarinta leh ee ay wakhtigooda u soo siiyeen inay somaliland ka bartaan dunida inteeda kale, una kuur galaan waxa ay somaliland tahay iyo halka ay aduunka kaga taaloba ay wax uga ogaadaan.