Madaxweyne Siilaanyo Oo Khudbadiisii Maanta ee Baarlamaanka U Qeybiyey Buug Ay Jeldigiisa Ku Sawiran Yihiin Calanka Soomaaliya, Labada Golena ka Dalbaday Inay Ansixiyaan Nuxurka Uu Huwan Yahay

0
233

“Wada-hadaladii inoo dhexeeyey inagga iyo Somalia waxay ku xusan yihiin nuxurkii ka soo baxay buugtaa laydiin qaybiyey, waxaanan soo jeedinayaa in goluhu ka doodo oo la ansixiyo”

– HUBAAL ka DAAWO SAWIRRADA Buug Koobsanaya Wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya Oo Madaxweyne Siilaanyo Baarlamaanka U Qaybiyey Kana Dalbaday Inay Ansixiyaan

Bismilaahi Raxmaani Raxiim
Al-xamdu-lilaah, Ilaahaybaa mahad leh,
Shirgudoonka Baarlamaanka, Mudanayaasha Labada Gole, Wasiirada, Xisbiyada Qaranka, Marti sharafta, dadweynaha iyo saxaafadda, waxan idinku salaamaya salaanta islaamka:
“Assalaamu calaykum waraxmatullaahi wa barakaatuhu”.
Ugu horeyn, waxan salaan iyo mahadnaq u dirayaa dhamman shacbiga Somaliland gudo iyo dibedba, meelkasta oo ay joogaan.
Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxa sharaf iyo maamuus ii ah in aan sannadkii 4aad hor imaado aqalka Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiiladda, taas oo aan ka hor jeedinayo khudbad sannadeedka uu Dastuurkeenu igu waajibiyay, waxaanan khudbadayda kaga hadlayaa warbixinta sannadkii tegey iyo Qorshaha Xukuumadda ee sannadka cusub, iyada oo aan si gaar ahna ugu tilmaamo wixii xaalad daruuri ah in laga waramo.
Waxaan jecelahay in aan sannadkan warbixintayda ku saleeyo heerka aynu ka joogno dhinacyada kala duwan ee Nabadgelyada, Siyaasadda iyo adeegyada bulshada.
Warbixinta Xukuumada
20140507_173252(0)-tileBallanqaadkayagii iyo Barnaamijkii Siyaasadeed fulintooda waxaanu u soo kala horreeysiinay sidii ay u kala muhiimsanaayeen ee ay baahida dalku ahayd, isla-markaa ay awoodda dhaqaale inoo saamaxaysay. Waxaanan idiin sheegayaa in balanqadayadaa qiyaas ahaan %85 ka mid ahi qabsoomeen, oo ay sidii loogu talo galay u fuleen, halka %12 gacanta lagu hayo oo aanu ku rajo weynnahay inay maalmaha soo socda dhammaadaan, %3 keliya ayaan filaynaa waxa aan noo qabsoomin ku talogalkayagii.
Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo Ictiraaf Raadinta:
Waxaanu u guntanay xaqiijinta iyo taabo-gelinta madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, sidii ay uga mid noqon lahayd bulshada caalamka, una heli lahayd aqoonsi buuxa.

Illaahay mahaddii, Somaliland waa Dawlad ku timi rabitaanka bulshada, dadkeedu aqoonsanyahay, dadkeedu illaashanayo, buuxisay dhamaan shuruudihii dawladnimo, waa hubaal dunidu way inala macaamishaa, waanay ina ixtiraamtaa balse inama aqoonsan weli.

Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Somaliland waa mid cad oo haysata jidkii loogu talo galay. Waxa dunidu si aan mugdi ku jirin u qirtay, marar badan iyo goobo badan kaalinta aan la dafiri karin ee JSL kaga jirto mandaqadda Geeska Afrika iyo beesha caalamkaba.

Wada-hadaladii inoo dhexeeyey inaka iyo Somalia way socdaan, waxaanay ku xusan yihiin nuxurkii ka soo baxay buugtaa laydiin qaybiyey, waxaanan soo jeedinayaa in goluhu ka doodo wixii dan-qaran loo arko la ansixiyo, si joogto ahna warbixinteeda waan idiinla wadaagi jiray oo waxaaba markasta Guddiga Wada-hadalada idiinku jiray xildhibaano iyo shirgudoonka golayaasha.

Waxaan maalmahan iyo maalin horeba warbaahinta kala socday Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo sheeganaya xidhiidh noo dhexeeya iyo waraaqo aanu is waydaarsanay, waxaan leeyahay Madaxweynuhu wuxuu ku cusubyahay saaxada siyaasadda waana dhalinyaro, waa nasiib daro haddii uu sheegto oo wax-qabad ka dhigto waraaqdii tahniyada madaxtinimada aan ugu diray.

Ma jirto wax aan ka waydiinayo Xasan Sheekh dalkayga iyo xuduudihiisa-toona, waxaa noo dhexeeya wada hadal dunidu inoo golaysay ee si nabadgelyo ah ma u kala boqoolaa ayaan leeyahaya. Qaranimada Somaliland waa mid ku timi codka shacabka waanu difaacaynaa, waa u dagaalamaynaa, waana u dhimanaynaa.

Jaldiga Buuga

Somaloland

Buuga Somaliland iyo Soomaaliya Wadahadalkoodam

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here