Mudaharaad Dhimasho iyo Dhaawacba Sababay Oo Ay Shacbiga GABILEY Kaga Gil-gisheen Saraakiishii Ciidanka Qaranka Ee Qori-lugud Lagu Laayay
Gabiley (Hubaal)-Ilaa iyo Haatan hal qof ayaa dhintay lix kalena waxa soo gaadhay Dhaawacyo kala duwan, kadib mudaharaad rabshado wata oo Maanta reer Gabiley kaga soo horjeedeen Saraakiil ciidanka qaranka ka tirsanaa oo lagu laayey Deegaanka Qorilugud.
mudaynSida uu sheegayo wariyahayaga Gobolka Gabiley, waxa Mudaharaadka oo Bilaabmay Salaaddii jimcaha kadib loo adeegsaday Cudud ciidan, waxana, waxana rasaastii ciidanku ridayeen ku dhacday dadkii mudaharaadka waday oo iyagu ahaa kuwo aan hubaysnayn.
Wararka aanu Hayno ayaa sheegaya in qofka dhintay uu ka mid ahaa shacabka Deegaanka deggen, isla-markaana kuwa dhaawacmay ay isku jiraan Haween iyo Dhalinyaro ka gadoodday dilka uu askariga ka tirsan Beesha Madaxweynuhu u geystay Saraakiisha halkaas u joogay difaaca shacabka Reer Qorilugud iyo midda qaranka Somaliland.
Mudaharaadkan oo ahaa mid salmi ah, isla-markaana aan wax khasaare ahi ka dhalan, ayaa waxa uu xidhay waddooyinka waaweyn ee Magaalada Badhtankeeda mara, waxana istaagay isu socodkii gaadiidka Hargeys iyo Galbeedka dalka ukala gooshi jirey ee Halkaas mari jirey.
Dadka mudaharaadayey, ayaa xukuumadda ugu baaqay inay si degdeg ah gacanta ugu soo dhigto askarigii saraakiishaas laayey, waxana ay saluug ka muujiyeen sida gaabiska ah ee dawladdu arrintaas uga jawaabtay.
Askariga saraakiishan laayey, ayaa la sheegay inuu si dhib yar ugu gacan galay Kooxda Khaatumo oo joogta goob aan halkaas ka fogayn, waxana raacdo gaaban oo lagu sameeyey sheegtay inuu gudaha Buuhoodle ku sugan yahay.
Shacabkan ayaa ka cadhaysan sida sabab la’aanta ah ee saraakiishaas ciidanka ka tirsan loo laayey, waxana ugu dambayntii farriin xukuumadda ugu direen inay soo saarto jawaab dadka qancisa.
Midka mid ahaa saraakiisha dhimatay, ayaa dhalasho ahaan kasoo jeeday Deegaanka Gabiley, waxana dilkiisu naxdin iyo anfariir ku reebay Shacabka deegaankaas ku dhaqan oo rumaysan kari la’ in askari ciidanka qaranka katirsan, isla-markaana kasoo jeeda Beesha madaxweynaha qaranku uu si badheedh ah dilkaas oo kale u geysto, isla-markaana uu ugu gacan galo cadow ay saraakiishaasi ku Gudbanayaayeen.