HUBAAL Ka DAAWO: Weriye Laga Soo Khaliifay Madaxtooyada Oo Xalay Dhabqiyey Barnaamij Si Toos Ah SLNTV Looga Baahiyey+SAWIRRADA Abwaan Cabdi-qeys & Axmed S. Bidde Oo Madasha Lagu Soo Casuumay

0
60

Fadeexad Ka Dhacday  Barnaamij Ciidda Loogu Talo-galay Oo SLNTV Laga Baahiyey  Xalay +Weriye Laga Soo Khaliifay Madaxtooyada Oo Dhabqiyey Xiisihii Suugaan-dhaadhigu U Qabay Cabdi-qays & Axmed S. Bidde

************* 

AKHRISTE Ka Bogo Qoraalkan Oo Xambaarsan Fadeexadda Xalay Raacday Weriye Aan Suugaan-dhaadhi Ahayn Oo Laga Soo Khaliifay Madaxtooyada  

Qodobka   aan doonayo maanta in aan qoraalkan ku soo qaadaa waa fadeexaddii ka dhalatay barnaamij suugaaneedkii ciida ee tv.ga qaranka taasi oo xalay si toos ah looga soo baahinayey xarunta telefishanka ee Hargeysa, xafladaasi dadkii lagu soo casuumay ee goobta yimid waxaa ka mid ahaa Abwaanka weyn ee Cabdi Adan Xaad (Cabdi Qays), Abwaanka kale ee Axmed Saleebaan Bide oo isaguna safka hore kaga jira abwaanada soomaaliyeed ee curiyey sugaan aan la koobi karin,waxa kale oo isaguna xaflada lagu soo casumay laxamiistaha weyn ee Mustafe KIIKO, sidoo kalena waxa isna madasha ku sugnaa oo dadkii lagu soo casumay ka mid ahaa Majaajilaystaha BOON XIRSI oo loo yaqaano bawdyo gaab.

00000000000000114-tileWaxa hubaal ah in aad akhriste aad is weydiin doonto marka barnaamijka lagu soo caasuumay raggaasi aan soo sheegay oo ah miidii fanka iyo suugaanta soomaalida waxaa hubaal ah in aad is weydiinayso ama aad ka faloonayso xiisaha barnaamijkaasi yeelan doono balse waxaad  ogaataa hadii barnaamij kasta oo ka baxaya tv ama idaacad uu waayo wariyihii aqoonta u lahaa mawduuca laga hadlayo  waxa lumaya dhadhdhankii uu yeelan lahaa barnaamijkaasi.

Barnaamij suugaaneedkan aan ka hadlayaana wuxuu ku haboonaan lahaa in wariyaha barnaamijkaasi soo jeedinayaa uu noqdo wariye aqoon dheer u leh suugaantii hore ee soomaalida ,madaama ay goobta ku sugan yihiin Abwaan Cadi Qays iyo Axmed Saleebaan Bide waxa se barnaamijkan soo jeediyey wariye aan wax aqoon ah u lahayn suugaanta soomaalida oo laga soo khaliifay ama looga soo cumaamaday madaxtooyadda oo la yidhaahdo MUNIIR AXMED CIGAAL.

Fadeexada kale ee iyaduna meesha ka muuqatay waxay ahayd marti sharaftii kale ee lagu soo casuumay daawashada barnaamijka waxay ahaayeen dad qurba joog ah oo madaxtooyadu keentay.

Hadaba hadii aynu u gonda dagno markii uu bilaamay barnaamijkan oo toos u baxayey wariyihii barnaamijkaasi daadihinayey ee MUNIIR wuu ku margaday oo waxaa ku adkaatay in uu wax su’aalo ah weydiiyo Abwaanadii waxana wariyaha ka muuqatay in uusan wax aqoon ah u lahayn suugaantii ay curiyeen abwaanadani ,sidoo kalena waxa wariyaha ku adkaatay in uu laxamiistaha MUSTAFE KIIKO wax ka weydiiyo mudadii uu ku soo jiray bad weynta fanka iyo laxamadii uu sameeyey.

Hadaba maah maah soomaaliyeedba jirta oo tidhaahda raqba waa ku rageede markii ay arinta halkaasi maraysay waxa doorkii wariyenimo qaatay oo la wareegay MUSATFE KIIKO oo su’aalo daran doori ah oo ku saabsan suugantii ay curiyeen weydiiyey labada Abwaan oo iyaguna si habsami ah uga jawaabay, markii uu su’aalahaasi dhameeyeyna wuxuu soo jeediyey su’aalo ku saabsan laxanka kadibna uu KIIKO laftiisu iskaga jawaabay, iyadoo uu goobta fadhiyey wariyihii hawshan loo soo xilsaaray.

Fadeexada ugu weyn ee barnaamijkani intii uu socday dhacdayna waxay ahayd in barnaamijkii oo socda ay iskaga baxeen dadkii barnaamijka udub dhaxaadka u ahaa oo ay ka mid ahaayeen Abwaan Cabdi Qays,Abwaan Axmed Saleebaan Bide ,Mustafe KIIKO iyo Boon Xirsi,waxana dhacday mar uu mikarafoonka qaatay Abwaanka Axmed Saleebaan Bide uu si cad u sheegay in shaqo kasta oo la qabanayaa ay u baahan tahay qof aqoonteeda leh kana digay cawaaqib xumada ka dhalata marka qabyaalad qof shaqo loogu diro,isagoo ula jeeday wariyahan madaxtooyada looga soo cumaaday ee aan aqoonta u lahaan suugaanta soomaalida.

Hadaba waxaa hubaal ah in wariyayaasha teelfiishanka qaranka aan lagu qiinaynin waxa uu yaqaano balse la qiineeyo oo kaliya halka looga soo cumaaday awooda ay leedahay ,maah maah soomaaliyeed baa jirta oo tidhaahda AWRBA AWRKA HORE AYUU SOCODKIISA LEEYAHY,tv.ga qaranku dhabaha uu hayaa waxa uu la mid yahay nidaamka yaala madaxtooyada dalka looga taliyo oo aan ilaa iyo hada umadda loo sheegin sababta labadii wadan ee aynu dariska ahayn ee itoobiya iyo jabuuti ay xadkii u xidheen?

Hadaba isku soo wada duuboo Caafimaadka Siilaanyo Waxa Mashruuc Ka Dhigta Wasiiradiisa,Fadeexadii Ka Dhacday Barnaamij Suugaaneedkii Ciida ee Tv.ga Qarankuna Waxay Astaan U Tahay Hogaamin La’aanta Siyaasadeed ee Dalka Ka Jirta.

Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur

Tel: 4425243

Email:suudi88@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

 410352139_748599245181454_3175122380582869009_n-vert

10556309_748599401848105_1914331997239384220_n-vert

Photo File: Qoraaga Qormadan- Cabdirisaaq Suudi Nuur,  Tel: 4425243, Email:suudi88@gmail.com, Hargeysa/Somaliland
Photo File: Qoraaga Qormadan- Cabdirisaaq Suudi Nuur, Tel: 4425243, Email:suudi88@gmail.com, Hargeysa/Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here