Hargeysa (Hubaal) Madashii ay aqlabiyada xubnaha golaha dhexe ee Kulmiye ugu jira beesha Arab ku taageereen guddoomiye Muuse Biixi ayuu Xildhibaan Saleebaan Cali Koore, kaga dhawaaqay inuu isla maanta ku biiray Xisbiga KULMIYE, Shaaciyeyna taageeerada uu hayo Mudane Muuse Biixi waanu yidhi “Waxaan maanta halkan ka caddeynayaa inaan ku biiray xisbiga KULMIYE, markii dawladdaha hoose loo tartamayayna XAQSOOR baan ahaayoo, iyagiina waanu wada soconaa, deegaanka aan kazoo jeedo ee bariga dhawriyo labaatankaa sanno ee Somaliland jirtay waxaad ogtihiin in maamulku uu ka hanaqaadi waayay, sabab jira awgood, waxaanu u dooranay qoladayadaa barigu Muuse Biixi Madaxweyne go’aan lihi inuu bari talo u keeno, qaar baa askarinimada ka maaga, annaguna waabanu ku faanaa.”
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN HUBAAL KA DAAWO: Xildhibaan Koore Oo Mar Keliya Is Raaciyey Dhawaqiisa...