Hargeysa (Hubaal) Xildhibaano ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa walaac xoogan waxay ka muujiyeen xaalada hantida dadweynaha.
Bayaan ay ku saxeexan yihiin shan iyo tobban xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland, kaas oo ay ku muujinayaan xaaladda ay ku sugan tahay hantida ummadu, oo mudanayaashu ay ku sheegeen in xukuumaddu ay u adeegsatay sifo sharciga baalmarsan.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan xildhibaannada golaha wakiillada Somaliland ayaa warbaahinta u bandhigay bayaankan.