HUBAAL Ka Daawo+Akhriso: “Madaxtooyada ayaa Miidaan-taxriir noqon doonta…. Ama Kaabado is-hordhiga ama Daaro dhaadheer dhista, Daaqadahaaa laga soo daadan doonaa” Afhayeenka WADDANI

0
33

 

 Hargeysa (Hubaal):- Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday inay Madaxtooyada Somaliland daaqadaha uga daadan doonaan, haddii aanay Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo doorashada ku qaban waydo xilligeeda oo uu sheegay inay ku beegan tahay bisha June ee sannadka 2015-ka. Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubbaa, ayaa sheegay inay Xukuumaddu ka werwereegayso qabashada diiwaangelinta Muwaaddiniinta iyo diiwaangelinta cod-bixinta doorashooyinka Somaliland, waxaanu xusay in sababta ay Xukuumaddu uga werwereegayso qabashada diiwaangelinta labada weji ahi ay tahay mid ay ku doonayso dib-u-dhac ku yimaadda doorashada wakhtigeeda si ay muddada joogitaanka Madaxweyne Siilaanyo loogu kordhiyo.

buubaaAfthayeenka WADDANI oo ah Xildhibaan ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Ibraahin Mahdi Buubbaa, waxa uu sidaa ku sheegay war uu maanta Saxaafadda ku siiiyey magaalada Hargeysa, isagoo Xukuumadda ugu baaqay inay qabato diiwaangelinta Muwaaddiniinta iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland oo uu sheegay inay wixii dhaqaale iyo farsamo kaga xidhan qabashadooda ay diyaar la yihiin dalalka Qaadhaan-bixiyeyaasha ee Somaliland ka taageera hirgelinta nidaamka dimuquraaddiyadda iyo doorashooyinka, balse ay Xukuumaddu ka caga-jiidayso. “Muddadii loogu talo-galay doorashadu inay qabsoonto waxa ka hadhsan sannad oo bisha June ee 2015-ka waa inay qabsoontaa sida sharcigu dhigayo, waxaana jira caloolyow laga baqayo diiwaangelintii oo aan wali qaban inay doorashadu dib u dhacdo, waa wax qalbiga dadkoo dhan ku wada jirta. Waxase aannu sheegaynaa oo Xisbi ahaan meel nooga yaal muddo-kordhin inaanay xal u ahayn Qarankan. Waxaannu sheegaynaa habeen in lagu daraa inaanay dawo u noqonayn dalkan.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga WADDANI. Halkan hoose ka daawo muuqaalka iyo codka Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo arrimahaas ka hadlaya.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here