HUBAAL KA DHAGEYSO: Maanso La Magac Baxday MUDDUCI Oo Abwaan Weedhsame Ku Cabiray Marxalada Maanta Ina Haystata

0
152

Maanso La Magac Baxday MUDDUCI Oo Abwaan Weedhsame Ku Cabiray Marxalada Maanta Ina Haystata

weedhsame

MUDDUCI

 

 

 

Goortii cid kuu maqan 

Ama aad u tahay magan 

Miyir quustay maan arag

Iyo mooyi igu yidhi

 

Madhxiyaay raggaad tidhi

Madhiyaay inuu yidhi 

Goortaan ka marag kacay

 

Xildhibaan mitidi laa

Danta guud matali laa

Mawlaha ka biqi laa

Maatada u nixi laa

Maalintuu u baahnaa

Milicdey tubnaayeen

Maankiisu garan laa

Goortuu muraadsadey

Marinkiisi baal maray

U maleegtay ganacsade

Milgihiisa iibiya

Adna uu ku maax tiray

 

Maansada walaaca ah

Maqaleey warlaayda ah

Tixdan muusanawga ah

Anna mari xil baa I leh

Adna maqal dan baa ku leh.

HUBAAL KA DHAGEYSO: Maanso La Magac Baxday MUDDUCI Oo Abwaan Weedhsame Ku Cabiray Marxalada Maanta Ina Haystata

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here