“Afar ka mid ah wadooyinka uu maro Maxamed Siyaad ayaa la dhigay….”-Maxamed Qanyare Afrax
Sanadku markuu ahaa 1988 ayaa sida caadada ahayd goor habeenimo ah oo ku dhaweyd Waaberi ayaa Siyaad Barre loo keenay cajalad xasaasi ah oo ay ku duubantahay wada hadal Taleefoon ku dhex-marayey Maxamed Qanyare Afrax iyo nin maal-qabeen ahaa oo la odhan jiray Xaashi Weheliye oo isna ka mid ahaa ragga ugu cad cad ee ka horjeedday Xukunkii Siyaad Barre.