Hargeysa(Hubaal) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Beeniyey Warar warbaahintu Qortay oo Sheegayey in uu ka tanaasulay Musharaxnimada Doorashada danbe ee Xisbiga Kulmiye uga qaybgalaya Doorashada 2015.
Waxaanu sheegay in uu yahay Musharax Kalsoonida Shacabka Somaliland uu ku rajoweyn yahay in ay siiyan.
Sidaasi waxaa uu ku sheegay mar uu maant aka soo laabtay Dalka Ingiriiska oo uu kaga qaybgalay Shir lagaga hadlayey Maalgashiga Somaliland.
Siilaanyo waxa kale oo uu xusay in shirkaasi guul weyn u ahaa Somaliland, Isaga oo ka hadlay musharaxnimadiisa waxaa uu yidhi. “Markaan Tagay Waxaa la faafiyey in aanan Doorashada Danbe isku soo taageyn, waxaanay la mid tahay Dacaayadihii faraha badnaa ee awalba layga fidin jiray, mar caafimaadkayga waxaa laga sheego iyo mar tan la faafiyaba, laakiin waxaan idiin sheegaya taasi waxa allaale iyo wax ka jira ma jiraan inta sharcigu ii ogol yahayna waan taaganahay, waxa allaale iyo waxaan qabbaana ma jirto dalkaygana waan u shaqeynayaa sidii aan hore ugu shaqeyn jirayn jiray uunbaan ugu shaqeynayaa, waxaanan Rajeynayaa in Shacabka Somaliland Kalsoonida isiindoonan.”Ayuu yidhi.
HALKAN GUJI OO DHAGEYSO CODKA MADAXWEYNE SIILAANYO